Ciidamadda Siiraaliyoon ee Soomaaliya ka Cararay oo Shaaciyay in Al Shabab ay La Socdaan Xogta Dagaalka ee Amisom

33318128

Kornel Abubakarr Conteh iyo Kornel Talieu Michael Brima, oo ka mid ahaa ciidankii ku soo duulay Soomaaliya ee dowladda Sierra Leone ayaa  wareysi siiyay warbaahinta gudaha dalkaas, kadib markii ay ka carareen howgalka loo keenay Soomaaliya oo ah mid fari ka qodnayn   waxayna ka hadleen xalada dalka Soomaaliya iyo dagalka ay kula jireen Xarakada Al Shabab.

Saraakisha ayaa mar wax laga weydiiyay dagalada Soomaaliya waxaa ay ku jawaabeen ” Soomaaliya dadka ku nool waa sida dad xan  badan,” oo ay ula jeedaan waa dad war heli og oo kala war haya.waxaa kale ku  sheegay  warbixinada la xiriira dagaalka, si dhaqsa leh ayuu u faafayaa, Xarakada Al Shababna ee aan dagaalka aan kula jirno waxaa ay si buuxda ugu warqabta Xogta Amisom, .

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada siraaliyoon in safar dhanka dhulka ku yimaadeen dalka Soomaaliya iyagoo kasoo tagay wadanka kenya, iyagoo ay jiraan weeraro la yaab ale oo habeen iyo maalin kala hor imaayaeen Al Shabab,wuxuuna sheegay inow  ku adkaaday  dagaalka dhowlka howdka ah.

Waxa uu ku tilmaamay Xarakada A Al-Shabab sida hay’ad habaysan xeelado milatari oo kala duwan leh iyo tababaro.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.