Maalinta Xasuuqa Ogadenia (Ogaden Massacre Day)

33331721

Waa Maalin kuweeyn Umada Somalida Ogadenia Bishan Febaraayo oo ah Bil kulmisay wax yaba badan haba ugu badnadeen Xasuuqa Shacabka Somalida Ogadenia ay u gaysteen una Gaysanayaan Ciidamada Gumaysiga Ethiopia dadka Shacabka ee somalida Ogadenia lagu gumaadayo Dhulkoodii hooyo. Hadaba Ururka Dhalinyarada & Ardayda Somalida Ogadenia (OYSU) oo ah Urur u tagaan Gudbinta Xaquuda Shacabka Somalida Ogadenia laga galo Ayaa waxay soo diyaariyeen Qoraalkan, Qoraalkan ayaa wuxuu yahay Qoraal ku xusan dadkii Lagu xasuuqay bishan Febaraayo Gudaha Ogadenia iyo Tacadiyadii loo gaystay dadka Birimagaydada ah,Hadaba ma wada hali karno dhamaan dadka bishan gudaha Ogadenia loogu xasuuqay iyo tacadiyadaha kala gadisan ee bishan ka dhacay Gudaha Ogadenia haba ugu danbeeyaan kuwii ka dhacay isla bishan Febaraayo 8 – 02 – 2015 Gobalka Shabeele, Magaalooyinka kala ah,Beercaano,Ceelweyne,Hadhaawe iyo Dagmada Dhanaan. Qoraal Laguma Soo koobi karo Laakiinse inta Alla naga Garansiiyay Taariikhduna Qortay ayaa waxaan jacelnahay in aan la wadaagno dhamaan Umada Muslimiinta ah Gaar ahaan Umada Somaliyeed 20 kii sane ee ugu danbaysay Xasuuqa ay ugaysatay Ethiopia dadka Shacabka ah ee ku nool Gudaha Ogadenia, Hadaba Qoraalkii oo kooban waa sidan -:

06 Febraayo 1994 Waa Maalintii  ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya bilaabeen Xasuuqa iyo Isir goynta shacabka Somalida Ogaden waana maalintii magaalada Wardheer ay ku dileen gudoomiye ku xigeenkii magaalada Wardheer Marxuum Cabdulaahi Ibraahim Yuusuf (Abdullahi Ganay). Marxuum Cabdullahi Ganey wuxuu horistaagay qorshayaal ay Itoobiya ku doonaysay inay ku khayaamayso shacbiga. Mid ka mid ah qorshayaashaas wuxuu ahaa shir ay dawladdu doonaysay inay isugu yeedho Odayaasha iyo cuqaasha dadwaynaha laguna qasbo inay taageraan mawqifka dawladda oo ahaa in shacbigu ku sii hoos jiro dawladda Itoobiya.

10 Febraayo 1994 waxay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya si waxashnimo ah ugu dileen Magaalada Qalaafe Marxuum Duulane Xasan Gaabane oo ahaa Gudoomiyihii Dagmada Qalaafe iyo Laba ruux oo shacab ah lana kala odhan jiray Cabdi Cali Aadan iyo Diiriye Dhaqane.

12 Febraayo 1994 Waxay Ciidamada Itoobiya si waxshinimo ah magaalada Qabridaharre ugu dileen guddoomiyihii iyo k/xigeenkii, Marxuum Maxamed Cumar Tube iyo Marxuum Deeq Maxamud Carab. Waxaa dilka labada mas’uul ka sii fool xumaa silcintii maydkooda oo ay ciidamadu ehelkii iyo dadwaynihii kalaba u diideen inay xabaalaan, arrintan waxay noqotay wax ku cusub taariikhda kana soo horjeedda xeerarka caalamiga ah iyo garashada caqliga fayow.

12 Febraayo 1994 Waxay Ciidamada Itoobiya Magaalada Dhagaxbuur ku dileen Marxuum Mahad Muuse Ibrahim iyo Marxuum Deeq Yuusuf Kaariye oo Deeq ahaa qoraagii Joornaalkii la odhan jiray Sheeko & Shaahid.

Sidoo kale waxaa dad lagu xasuuqay magaalooyinka kala ah Qabridahare,  Qoriile, iyo Gunagado. Iyadoo Qabridahare lagu xasuuqay30 dhalinyaro ah  2005 kii, Qoriile lagu xasuuqay 20 rayid ah 2008, Gunagado lagu xasuuqay 30 shacab ah 2010.  Dhamaan dadkaasi shacab ayay ahaayeen.

15 Febraayo 1994 Waxaa la qabtay kalfadhigii baarlamaanka dalka Ogaadeenya, Baarlamaanku waxay ka doodeen mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Ogaadeenya waxayna aqlabiyad badan ku go’aamiyeen in dadwaynaha Soomalida Ogaadeenya laga qaado afti lagu waydiinayo waxa ay aayahooda ka damacsan yihiin.

17 Febraayo 1994 Waxay Odoyaasha iyo Ugaasyaduba u gudbiyeen Meles Zenawi isagoo kula shiraya Goday in Afti laga qaado dadkooda.

Go’aanka Baarlamaanku wuxuu lahaa muhimad iyo tixgalin gooni ah maadaamada uu baarlamaanku ahaa kii ugu horreeyey taariikhda Ogaadeenya ee shacbigu si dimoqraadi ah u soo doortaan kalsoonina ka haystay dadwaynaha, sidoo kale go’aanku wuxuu waafaqsanaa dastuurkii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya oo sheegayey in ummad walba ay dooran karto aayahooda marka ay dhamaato waqtiga ku meel gaadhka ah ee dawladdii Itoobiya. Maalintii go’aankan la qaatay waxaa loo aqoonsaday inay noqoto “Maalinta aayo-ka-talinta” ee dalka Ogaadeenya.

17 Febraayo 1994 Waxay Cuqaasha Ogaadeenya Zenawi hortiisa ka taageereen go’aankii Barlamanbka isagoo shir Albaabada loo xidhay kula jira magaalada Harar, isla Badhtamihii Febraayo 1994 Ururkii ONLF Golihiisii dhexe ayaa go’aan aqlabiyad buuxda ah ku taageeray go’aankii Baarlamaanka kuna baaqay in si nabadgalyo ah oo waafaqsan dastuurkii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya lagu dhameeyo dhibaatada u dhaxaysa Ogaadeenya iyo Itoobiya

22 Febraayo 1994 Waxaa magaalada Wardheer laga qabanqaabiyey bannaanbax lagu taageerayo go’aankii baarlamaanka iyo kii ka dambeeyey ee JWXO ee lagu codasaday in dadwaynaha afti la waydiiyo sidoo kale waxaa xilligaas ku sugnaa magaalada Wardheer Guddoomiyihii JWXO Allah ha u naxariistee Marxuum SheikhIbraahim Abdalla oo isna hadal ka jeedin lahaa bannaanbaxa.

23 February Waxay ciidamada Itoobiya gurigiisa kala bexeen magaalada Dhagaxbuur Mukhtaar Gadhweyne isaga oo ay ku hortogteen xaaskiisa Xaliimo Haybe Mohamuud, isla habeenkaas waxay dileen Dhuux Siyaad, Sidoo kale waxay isla xiligaas dileen nin magiciisa naloogu sheegay Taagwaa, waxay sidoo kale si waxash nimo ah ugu dileen isla magaalada Dhagaxbuur Ina Ahmed Nuur oo ahaa Macalin bare Dugsiga Hoose Dhagaxbuur. Sidoo kale Gudoomiyhii gobalka Dhagaxbuur Bulbul oo ilaa hadda aan lahaynin geeri & nolo.

24 February: Xasuuqii Magalada Wardheer Lagu Xasuuqay Dad kor u dhafayo 85 Ruux kuwaas oo dhamaantoodba ahaa Shacab Birimagayda ah. Xasuuqan ayaa wuxuu  dhacay kadib markii Ciidamada Ethiopia Amar lagu siiyay inay Joojiyaan Banaanbax ay dhigayeen dad shacab ah.

Ciidamada Itoobiya waxaa amar lagu siiyey inay joojiyaan bannaanbaxa isla markaana soo qabtaan Madaxwaynaha JWXO geeri ama nololba, Ciidamada Itoobiya oo ku hubaysan hub culus ayaa soo weeraray wafdigii JWXO oo uu ku jiro Guddoomiyihii waxayna shacbigii reer Wardheer maalintaas si geesinimo iyo wadaninimo ah u difaaceen magacii umadda iyaga oo qab jabiyey ciidamadii xoogga badnaa ee Itoobiya kana horistaagay inay gacanta ku dhigaan Madaxwaynihii JWXO iyo inay joojiyaan bannaanbixii. Ciidmaada Itoobiya oo adeegsanaya hubka cul-culus ayaa waxay  xasuuq u gaysteen dadwaynihii iyagoo si aan aabo-yeel lahayn u gumaaday shacbigii magaalada Wardheer waxaa maalintaas goobtaas ku geeriyooday 85 ruux oo u badan dad rayid ah.

Dhacdooyinkaas waxay leeyihiin Xusuus Farxadeed iyo Murugo labadaba waxay huwan yihiin murugo marka laga eego xasuuqii loo gaystay dadwaynaha reer Wardheer iyo waliba burburkii dhismayaashii Magaaladda iyo madaxdii lagu laayey Qabridaharre, Qalaafe iyo Dhagaxbuur iyo Dhamaan Gudaha Ogadenia, dhinaca kalana waxay mudan yihiin xusuus huwan farxad iyo faan marka laga eego sida dadwaynuhu ugu istaageen xaqooda una qab jabiyeen ciidamdii xoogga badnaa ee Itoobiya iyagoo difaacay madaxdii iyo magacii umadda.

Waxayna noqotay arrin lagu faani karo taariikhdana gashay sidii dadwaynaha reer Wardheer oo aan haysan hub u dhigma kii ay wateen Ciidamada Itoobiya iyo sida ay u difaaceen Magaaladda iyo madaxdii shacbiga, inkastoo dad rayid ah oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen, waxay mudan tahay maalintaasi xusuus gaara.

8-9 February 2015: Gobalka Shabeele Gaar ahaan Magaalooyinka kala ah- Beercaano,Ceelweyne,Hadhaawaxaa lagu Xasuuqay dad shacab ah oo aan wax galabsan,Dhamaan dadka Magaalooyin kaas lagu xasuuqay ayaa Maydkooda waxaa la isugu Keenay Garoonka Magalada Godey, iyadoo dadkii magaalada Murugo iyo ciil ay ku reebtay arinkaasi.

Xasuuqa caynkan oo kale ah ayaa dhaqan u ah Gumaysiga Itoobiya waana caadadooda inay intay dad shacab ah oon waxba galabsan laayaan kadibna in la Aaso u diidaan.

Isku soo wada duuboo Bishan February Taariikhadaas ayeey kulmisay Waxayna Shacabka Somalida Ogadenia xusaan Bishan iyadoo ah bil Murugo Waxayna utagantahay Xadgudub iyo Xasuuq loo gaystay dhamaan Bulshada noocayadeeda kala duwaan haba ugu badnaadaan Dadka Birimagaydada ah.

Dhinaca kalana waxay u tahay Halgan xaq udirir ah Maadama dadweynaha Somalida Ogadenia utagan yihiin in ay Gumaysiga madow iska qadaan dhib walbana u adkaystaan.

OYSU World Wide.

33331729Voice Of Somalia-Somali Leaks.