XASUUQA SHACABKEENA XORNIMAA KA DAMBAYSA

33396178

Waxaan maalmahan si wanaagsan ula socday baroordiiqda ka socota daafaha dunida oo ay dhigayaan Jaaliyadaha Ogaadenya iyagoo qabanaya kulamo waa wayn oo loogu ducaynayo dadkii uu cadowgu gumaaday isagoon u kala aaba yeelin Saqiir iyo Kabiir toona. Kulamada waxaa lagu daawanayay filimo halis ah oo ka awood badan damiirka qofka bani,aadamka ah waxaase guul ahaa dadka oo wacad kumarayay inayna xaqooda baadi goobkiisa dib uga labanaynin taasoo guumaystaha ku abuuri doonta inuu dib uliqo Candhuuftiisa.

Sideedaba waan inaan Sunnada rabaaniga ah dib u milcsano, mar hadii wax badan Eebe inooga warramay guud ahaamba xasuuqyadii dunida soo maray oo uu ka mid ahaa kii loo gaystay reer Bani’Isra’iil, kadibna markay ilaahay talo saarteen ee ay isku tashadeen ay kabaxeen guumaysigii. Ruuxii awooda ha akhriyo markuu Rabi tilmaamayo guumaysiga iyo Cadaabkii lala beegsaday qoladaas aan kor kusoo xusay – Suuratu Dukhaan Aayadaha 30-31. Hadaba inuu guumaysi jiro, iska caabina jirto, Gargaarka Eebana jiro waa Dariiq furan oon marna labadali doonin. Umadeena karaamada badan waxaa kaliya oo la gudboon inay ku taagnaadaan Tubta iyo hayaanka loogu jiro Xorriyadda, Xasuuqa shacabkeenana Xorimo deg degaa kadambaysa Insha Allaah.

Waxaann tacsi Tiiraanyo leh hawada u marinayaa shacab,waynaha geesiga ee u adkaystay inay dulmiga ka dhiidhiyaan xaqoodana soo dhacsadaan gumaadka baahsan ee lagula kacay Dumarkoodii, Caruurtoodii, Duqaydoodii iyo Bar iyo Beer waxay lahaayeen, anigoo leh ilaahay ha aqbalo shahaadadooda intii dhimatay, inta dhaawaca ahna Alle haboogo dhayo, inta Xabsiyadda ku jirtana ha kasoo daayo. Aamiin!

Gabagabadii waxaan ku soo khatimi lahaa qormadan hadalka mar walba laga rabo umada Muslimka ah ee ay masiibadu ku habsatay oo ah- INNA LILLAHI WA INNA ILEYHI RAAJICUUN!

Qoraa madax banaan
Xaaji M/rashiid Aw Macalim
samatobaxe2014@hotmail.com