Dam Jadiid Ahlu sunna Galguduud ma kaga adkaan doontaa ?

amin

Dagaal ka ka dhacay Dagmada Guri ceel ee gobolka Galguduud ayay iskaga hor yimaadeen ciidamada koox diimeedka Ahlu sunna iyo kuwa dawladda ee daacada u ah ururka hoggaanka dalka Soomaaliya haya ee Dam jadiid , sida la sheegay gacanta sare Ahlu sunna ayaa yeelataya , waloow aan lagu kala bixin oo gobolka qaybo ka mid ah ay joogaan ciidamada Dam-jadiid abaabushay .

Dagaalka ayaa ka dhashay isku day Dam Jadiid ku doonayso in ay qabsato Gobolkada Galguduud iyaga oo gashan magaca dawladnimada dalka iyada oo arrinku ku qotomo ku soo baxaan madaxtinimada maamulka Gobolka Galguduud iyo qayb Mudug ah loo dhisaayo ee lagu wado in lagu soo yagleeyo shirka Cadaado ee loogu magac daray shirka Gobolada dhexe .

Kooxda Ahlu sunna ayuu ka daadagi waayey damaca Dam-dajiid ee ah in ay maamulka gobolkaas qabsadaan iyada oo Ahlu sunna dagaalo usoo gashay haysashada gobolka qaybo ka mid ah oo ay ka eryadeen kooxda Al-Shabaab iyaga oo kaashanaaya dawladda Itoobiya .

Dhan kale Ahlu Sunna ayaa u aragta koox diimeedyada la isku yiraahdo Wahaabiyiinta , Sida Al-shabaab , Al-ictisaam , Islaax iyo Dam-dajiid oo Islaax ka dhambalmay kuwo isku mid ka ah dhinacyo badan iyagana cadoow ku wada ah .

Odayada Gobolka qaybtood , siyaasiyiinta aan siyaasad iyo diin isku lifaaqan u xaglin , qaybaha kala duwan ee bulshada badankoodku waxay taageersan yihiin Ahlu sunna , halka Dam-jadiid ay lacago badan ku furfurayso cid kasta oo ay u aragti in ay ka hor imaan karto qorshaheeda .

Waxaa deegaanada in maamul loo sameeyo la isku dayaayo qaybo ka mid ah ka jira Maamulada Ximin iyo Xeeb iyo Gal Mudug oo siyaasiyiinta hoggaamiya la oran karo dantoodu waxay ka dhex arkaan Ahlu Sunna .

Sida la malayn karo , qorshaha Dam-jadiid ee Mustaqbalkooda ka talinta dalka , ayaa u dagsan in ay qabsadaan maamulka Gobolada dhexe iyo mid kale oo lagu wado Shabeelada dhexe iyo Hiiraan in ay yeeshaan .

Dam dajiid oo ku soo galaaya doorashada 2016-ka haddii ay dhacdo Xisbiga PDP (Peace and Development Party) Af Soomaali na ku ah Xisbiga Nabadda iyo Hurmarka ayaa isu gaysanaaya in ay ka taageerayaal codkooda siiya oo badan ka helaan labada maamul ee ay qorshaynayaan qabsashada madaxtinimadooda iyo Muqdisho , waxaana loolanka la gali doona siyaasiyiin hoggaaminaaya xisbiyo ka soo horjeeda oo ka socda Maamulada xiriirka wanaagsani ka dhaxeeyo ee laba ka mid ah mataanaha dadkoodu ugu yeeraan , Puntland , Jubba-land iyo Koonfur Galbeed .

Sida uu ku dhaboobi karo qorshaha Dam dajiid ee ay ku doonayaan mudo dheer in ay ka arrimiyaan Soomaaliya ayaa ahay si fudud , iyada oo kooxda lagu sheego mid siyaasaddaynta ku hoosaysa .

Ugu dambayn damaca Dam-jadiid ayaa wajahaaya loolan siyaasaddeed adag oo ay iskaga horyimaadaan urur kale ee laga taabac san yahay maamulada aan kor ku soo xusay , Gobolada Somaliland la isma oran karo doorasho ayaa ka dhacaysa ,marka laga soo tago deegaanadda Puntland iyo Khaatumo ka arrimiyaan Somaliland sheega to .

 

Idiris Makiinad .

Dooxajog5@hotmail.com