Goormaan Amxaaro Walaalownay inteense ku Walaalownay ?

33441002

Waxaa waayadan soobaxay Siyaasiyiin Soomaali ah, kuwaas oo meel walba la taagan walaalaheena Itoobiya iyo erayo ka sii xun waxaasi. Siyaasiyiintan, ayaa badan kooda ah dad waaweyn oo si fiican ula socda taariikhda u dhaxeysa labada Umadood ama labada dal, Waxa ayna sheegaan in uu dhamaaday Khilaafkii u dhaxeeyey labada dal. Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye goormaan Amxaaro walaalownay inteense ku walaalownay ?

Waxa ay dadka Soomaaliyeed iyo Caalamkuba og yihiin colaadda ka dhaxeeysay dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ama haddan si kale u dhigo Umadda Soomaalida iyo Xabashida ku nool Geeska Afrika. Kuwaas oo ay Colaaddoodu soo bilaabatay Qarniyo ka hor ilaa maanta ay taaagan tahay. Bal inta aanan u gelin goorta la walaaloowbay iyo meesha lagu walaaloobay aan marka hore dulmaro taariikhda labada Umaddood.

Sida aanu og nahay Anaga iyo Amxaaro waxaa na dhextaalo colaad gaamurtay, taas oo salka ku hayso arimo badan oo ay ka mid yihiin isbalaarin iyo isa sheegasho ka imaaneysa dhanka Xabashida ilaa maantana socota, Waxa ayna isbalaarintaasi ugu danbeyntii keentay in labada Umadood ay isaga horyimaadaan dagaalo badan. kuwaas oo aan ka xusi karno dagaaladii dhexmaray Axmed Gurey iyo Xabashaddii waagiisii nooleyd. Waxaa sidoo kale ka mid ah dagaalada dhexmaray labada Umadood dagaalkii Barakaysnaa ee 77, Kaas oo ay hormuudka u ahayd Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barrre ee lagaga gol lahaa xureynta dhulka Soomaali Galbeed.

Dadaalo dheer ka dib oo ay Xabashidu ku dooneysay in ay ku qabsato dhulka Soomaalida ama ay ku dooneysay in ay ku badasho diintooda, Ugu danbeyn, waxaa u suurtagashay Xabashidu in ay hanato dhul Soomaaliyeed oo aad u ballaaran. Kaas oo uu ku wareejiyey Ingiriistii gumeysanayey Waqooyiga dalka. waana dhulka maanta loo yaqaano Soomaali Galbeed ee ay Xabashidu xoogga ku haysato.

Ka dib markii ay Umadda Soomaalidu iska xureysay Gumeystihii qaashimka ahaa ee reer Yurub, Islamarkaana la dhisay Qaran Soomaaliyeed oo xooggan. Ayaa waxaa laga dalbaday Taliskii Xabashida ee waagaasi jiray sida kii Xayle Salaase iyo Mingiste in ay soo wareejiyaan dhulkii gardartada lagu siiyeyey balse nasiibdaro Amxaaro dheg jelaq umaysan siinin dalabkaasi, taasi oo markii danbe keentay in ay labada Umadood dagaalo isaga horyimaadaan sida dagaalkii 1977 oo kale. Dagaalkaasi oo runtii ahaa mid cadowga lagu xanuujiyey, islamarkaana loogu dhigay casharo aysan ilaawi doonin waligood.

Dagaalo ay dhiig badani ku daateen ka dib, Waxaa u suuragashay ciidamadii Soomaalida in ay qabasadaan dhamaan dhulkii ay Xabashidu xoogga ku haystay,taas oo tuntii ahayd guul taariikhi oo ay soo hoyeen Ciidamadii Soomaalida inkastoo markii danbe dib looga soo baxay dhulkaasi, ka dib markii ay dagaalka soo farageliyeen dowlado ay ka mid ahaayeen Ruush,Kuuba iyo kuwa kaleba.

Umadda Soomaalida, ayaa dagaalkaasi u gashay sidii ay u soo ceshan lahad dhulkii laga haystay ilaa maantana laga haysto. Waxaana dagaaladaasi ku shahiiday Kumanaan wiil oo Soomaaliyeed halka ay ku dhaawacmeen kumanaan kale. Dagaalkaasi ka dib, Waxa ay Xabashidu go’aansatay, Iyadoo kaashaneysa dalal ay jaal yihiin in la burburiyo dowladnimada Soomaalida, si aysan mar danbe u dhicin in uu duulaan danbe kaga yimaado dhanka Jamhuuriyadda Soomaalida.taas oo ay ugu danbeyntii ku guulaysatay ka dib markii ay isticmaashay Jabhado Soomaali ah, kuwaas oo jilbaha u dhigay Qarankii xoogga badnaa.

Intaasi kuma aysan ekaanin ee waxa ay marar badan gudaha u soo gashay dalka ilaa ay markii danbe soo gaartay Magaalada Muqdisho oo ahayd halkii laga soo abuubulay dagaalkii barakaysnaa ee 77. gaar ahaan, waxa ay ciidamooda saldhigyo ka dhigteen Xaruntii Wasaaradda Gaashaandhigga iyo waliba Madaxtooyadii dalka, Iyagoo qoslayo inkastoo markii danbi ay carar wax ka dayeen ka dib markii ay cashar u dhigeen wiilal uu ilaahay barakeeyey.

Inkastoo ay waagaasi carartay, hadana waxa ay geeysatay dhibaato baaxad leh. tusaale ahaan, waxa ay Magaalada muqdisho ku dishay kumaan kun oo Soomaali ah, Iyadoona dhinaca kale burburisay hanti badan, taas oo ay ka marqaati kaceen Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ah. Marka la iskudaro dhibaatada ay Xabashidu ka geysatay dhulka Soomaali Galbeed iyo dhulka Jamhuuriyada, waxaa la oran karaa waxaa dhacay xasuuq ba’an. tusaale ahaan, hal magaalo oo ku taallo gobolka Gedo, waxa ay ku dishay maalin qura 70 iyo dhowr qof, halka afartan kalena ku dishay banaanka Magaalada.

Laga bilaabo maalintii Xabasho dhulkaasi la siiyey ilaa maanta ma jirto meel ay Labada Umadood uga heshiiyeen sida laga yeelayo dulka iyo dadka maqan, haddii Iyada la siinayo iyo haddii ay soo celineyso intuba. Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye kuwan ku hayo walaalaheena Itoobiya xagey warkaan ka keeneen, xageese lagu walaalowbay ? Mase noo sheegi karaa isbadalka dhacay ee keenay in la walaaloobo ?

Dadka Soomaaliyeed, ilaa maanta ma oga meel Amxaaro lagula walaaloobay iyo waliba meel lagula heshiiyey intuba. Bal waxa ayna og yihiin oo kaliya in ay Xabashi wali haysato dhulkoodii (S/Galbeed), islamarkaana ay Iyadu si dadban u maamusho qeybo badan oo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda haday ahaan lahayd kuwan isku sheega Maamul Gobleedyada sida Soomaaliland,Puntland,Koofor Galbeed,Jubooyinka iyo waliba kooxda Suufiyadda oo ah runtii gacan ka mid ah gacmaha ay Itoobiya ku fowdeyso dalka. Allow ha igu darin adigaa raxmaane kuwa darka Nabiga (SCW) laga celin doono.

Sow ma’ahan marka hore inta aan la walaaloobin in laga heshiiyo wixii dhacay, lana isu celiyo wixii la kala haystay ? Jawaabtu waa haa haddii kale ma jireyso wax walaaltimimo dhab ah. calaakilixaal, waxaan ka rabtaa kuwan iimaan laawayaasha ah ee ku waashay walaalaheena Itoobiya iyo bog cusub baan fureynaa in ay noo keenaan wixii isbadalay goorta ay isbadleen iyo meesha ay iskubadleen, haddii kale waxaan leenahay iska aamusa aamuska ayaa idiin wanaagsane.

Soomaali dhibaatada maanta haysta inteeda badan waxa ay uga imaaneysaa waa faragelinta Xabashida. Tusaale ahaan, Al-shabab ma jirin ka hor duulaankii ay Xabashidu ku soo qaaday dalka 2007. Tusaale kale, kuwa maanta hortaagan Dowladdan Federaalka ee ay ka shaqeyn la’dahay waa taageerayaasha Xabashida haday ahaan lahaayeen Maamul Goboleedyada iyo haday ahaan lahaayeen kuwan Suufiyada ahba.

Waa wax laga xumaado runtii in qof Soomaali ah oo og dhibaatada ay Amxaaro u geysatay Umadda Soomaaliyeed, in uu Umadda la soo hor istaago maalin kasta walaalaheena Itoobiya iyo bog cusub baa noo furmay, Iyadoo ay dalka ka socdaan dhibaatooyinka ay Xabashidu masuulka ka tahay. Wali ma arag kuwan ka hor nin cadowgiisa ku tilmaamayo walaal.

Midda kale, yaa wali arkay siyaasiyiinta Xabashida oo ku hadaaqayo walaalaheena Soomaaliyeed iyo waan ka heshiinay wixii dhacay ? Kolay Anigu ma arag mana maqal, Waxaanse hubaa in ay Xabashi ku howlan tahay burburinta waxa haray ka dibna ay si toos ah u shaacin doonto damaceeda ku aadan dhulkan. Yaa dabada ka riixayo nidaamkan federaalka ah ? yaase hurinayo colaadan ka aloosan gobolada qaar ? Yaad u malayneysaan in uu u been sheegayo Soomaaliland ? Yaa mar walba Adis Ababa uga yeero atoorayaasha Maamul Goboleedyada ? dhamaan Jawaabaha su’aalahani waxaa soo wada waqtiga ee yaan la dhararin.

Anigu dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, Waxa aan waday xog uruurin ku aadan dareen dadka iyo sida ay u arkaan qatarta ka soo socota joogista ay ciidamada Xabashidu joogaan gudaha dalka iyo saameynta ay arintaasi ku leedahay mustaqbalka. Waxaana runtii ii soo baxay in ay dadku muujinayaan walaac badan oo ku aadan mustaqbalka, gaar ahaan khilaafaadkan joogtada iyo fargelinta ka imaaneysa Xabashida. Tusaale ahaan, Waxa ay dadku ka walaacsan yihiin sida ay Xabashidu gacanta ugu dhigayso dhamaan shaqsiyaadka horbooda Maamulada ka jira dalka min heer Dowlad Dhexe ilaa heer degmo.

Gaba gabadii, Waxaan leeyahay Anagu ma ogin hadaanahay Shacabka Soomaaliyeed meel Amxaaro lagula walaaloobay iyo goor lala walaaloobay intuba, ee haddii ay jiraan rag og haday rabaan ha noqdaana Islaaxii wadaadnimada sheegan jiray ee ha noo keenaan cadeyn muujineysa meeshii lagu heshiiyey ee lagu walaaloobay haddii kale Umadda ha laga daayo jahawariirinta iyo u garba duubka cadowga.

Ugu daneyn, Waxaan ugu bishaareynayaa Umadda Soomaaliyeed meel kastaaba ha joogtee in ay soo socoto Shabakada Wadani ah oo u istaagi doonto haddii uu Rabbi idmo danaha Umadda Soomaaliyeed, islamarkaana ka qeyb qaadan doonto joojinta dhiiggan daadanayo iyo raadinta hanaan dib-uheshiisin oo miradhala. Fadlan igala qeybqaado joojinta dhiiggaan daadanayo iyo raadinta xal waara.

W/Q: Abdullahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com