Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ciidankeeda ku sugan soomaaliya ay isku diyaarinayaan ka bixitaan dhameystiran marka la gaaro sanaddi 2016.
R/wasaaraha Itoobiya Hailemariam ayaa sheegay in kumanaanka Askari ee ka jooga Soomaaliya ay heystaan fursad hal sana ah kadibna ay dib ugu laaban doonaan gudaha Itoobiya.
Wuxuu ka dhawaajiyay in waxa loogu yeero Q.Midoobe ay Itoobiya heshiis kula galeen sii heysashada soomaaliya inta laga qabanayo doorashooyin madaxtinimo bartamaha sanadda 2016-ka.
Wuxuu muujiyay sida Itoobiya ay u doonayso kala qeybinta dalka Soomaaliya isagoona carrabka ku adkeeyay in muhiim aysan aheyn xukuumadda Xasan Sheekh ee fadhigeedu yahay Muqdisho.
Itoobiya ayay ciidankeedu duullaan gardarro dhul boob ah kusoo qaadeen soomaaliya waana dalka ugu ciidanka badan ee shacabka soomaaliyeed kusoo duulay.