WABIXIN:-Dowlada Maxay Wax ugu Qaban La’dahay Maleeshiyaadka Saalax Raamboow Hogaamiyo ee Dadka Ku Gowracaya Sh/Hoose.?

33525590

Nin Lagu magacaabo Saalax Raanbow oo gacan saar la leh maamulka shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xasuuq ku wada beelaha Dega shabeelaha Hoose.

 

Dagaal Ooge Saalax oo hubka ka hela Amisom kuna sugan mid kamid ah xerooyinkooda ayaa horay udili jiray dadka kasoo jeeda beesha habar gidir eee shabeelaha Hoose.

 

Saalax ayaa haatan ka gudbay leynta waxgaradka beesha Habargidir waxaana haatan uu saf ka marayaa qabiilada dega gobalka shabeelaha Hoose.

 

Habeen hore saddex qof oo uu ku jiray oday dhaqan kana soo jeeda beesha Xawaadle ayuu ku dilay dulleedka Magaalada Qoryooley ee shabeelaha Hoose.

 

Ninkaan ayaa cadcad ukala jara dadka uu dilo isagoo waliba gowraca.

 

Maamulka shabeelaha Hoose ee uu madaxda uyahay Cabduqaadir Siidii dilalka uu gaysto Saalax waxay dusha kaga tuuraan shabaab.

 

Beelaha dega Shabeelaha hoose ayaa haatan kulan leh iyagoo wacad ku maray inay meel kaga soo wada jeesan doonaan ficilada foosha xun ee ka imaanaya Saalax Raanbow.

 

Dowladda Federaalka oo dhowr jeer codsi loo diray ilaa iyo haatan waxba kama qaban dhibaatada maleeshiyaadka Saalax uu hogaamiyo  ay ku hayaan shacabka nabada jecel ee shabeelaha hoose.

HOOS KA DHAGEYSO