FAHAN LA AANTA UMADA SOMALIYED MACNAHA GUMAYSIGA

33532663

Nin aan ku furaynin yuusan ku rarin.

Xeeladii Gumaaysigu dhigay oo manta kataagan somaliya.

Hagar damadii iyo lugooyadii umada Soomaliyeed uu,u gaystay cadowgii Soomaaliyeed ee kala` aha ingiriiska Talyaaniga iyo itoobiya waxaan ka dhaxalay baa, ba iyo halaag ay xalin wayeen, umada Soomaliyeed waana halkii uu la doonayay Gumaysigu umada muslimka ah ee Soomaaliyeed xataa hadii uusan ciidan ahaan u Joogin maskax ahaan ayuu ku mamulayaa manta ilaa heer ay gareen in gobol kasta ay Maamusho Itoobiya.

Tariikhddu markay ahaayd 1884,tii shirkii Barliin ee Africa lagu qaybsaday waxaa Soomaaliya loo qaybsaday 5qaybood waxaana qaybiyay rag maskaxdooda ka Shaqaysiyay.

Su,aasha meesha taal ayaa ah, Soomaliya miyaysan lahayn umad ka fikirta Aayahooda maxaa Caqligii Soomaaliya ka dhigay mid foorara oo an ka fikiraynin xumanta ceebta iyo magac xumida ku habsatay dadka Soomaaliyeed

Gumaysiga itobiya waa wakiilka gumaysiyaasha ee geeska africa, waxayna isir lawadaagtaa yuhuuda israil.

Somaliyana waa umada 100% muslim ah ee geeska africa.

Hadaba itobiya waxay umada somaliyeed uqabtaa cadho hore,  iyada oo wacad kumartay inay somali isku dirto oy kala gayso.

Diidana inay is raacaan Umada Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed wayna ku guulaysatay ujeedkii ay kalahayd gaayiga Soomaliwayn iyo inay yeeshaan mustaqbal.wanaagsan.

KALA QAYBI OO ISKUDIL IYAGA

Danta ay kaleedahay itobiya maamul goboleedyada ay usamaysay somaliya ayaa ah, in ay isku dirto umada soomaaliteed, ee walaalaha ah  oo ay iyagu is baabi iyaan,is jaajusan,iswanjalaan isuna dhiiban gumaysiga.

LIXDANKII MAXAA SOMALIYA LA GUDBOONAA ?

Hadii Allaha wayn uusiiyay xoriyad Soomalidii waqooyi iyo tii Konfureed waxaa la Gudboonaa inay ku dhaartaan xoojinta walaaltinimadii ay isugu yimadeen 60kii` ayna Raadiyaan walaalahooda kale ee OGADENIYA oo halgankan kula jiray gumaysiga itobiya, ilaa hadana kula jira, laakiin nasiib daro kuwii gumaaysigu ka tagay ayaaba isku soo labtay ayaga oo dib u fulinaya amarka iyo mu,aamarada uu dhigay gumaysigu.

Fikir xumada umada somaliyed ayaa kentay Faqriga

Waxaa nasiib daraa umad Toban Milyan lagu qiyaasay oo Bad) bari iyo dhulba leh oo hadana faqriya siday ku dhacday waa iska cadahay sida ay ku dhacday waa fikir la,aan iyo ayaga oo fulinaya dano shisheeye waxana lagu matali karaa,  Ridigii Reeryadiisa cunay waa dhacdaa in Bini, aadamku is qabto laakiin waa in aqligu shaqeeyaa.

Qarnigaan manta lagu jiro ee 21,aad waa mid dunidu il baxday waxaana is Xulufaysanaya qaarado ama Dawlado aduunka ugu dhaqaalaha badan,  maxay ku dhacday in Soomaali qoys walbaa uu kii kale ka sii durkaa? “ma fikir iyaga kayimid baa mise waa xeeladii Gumaaysiga ?

Mamulada Puntland iyo Somaliland inay ka Fikiraan.

1. Wa ayo itobiya
2. Wa ayo soomaaliya,

Itobiya iyo somaliya goorma ayay walaalo noqdeen ? xagay ku walaaltinimoobeen ?

Miyaysan ceeb, foolxumo iyo akharo seeg ahayn inaan fulino ficilka Gumaysiga ee ah walaalkaaga OGADENIYA udhashay sooqabo hadaad aragto, oo iga gado.

Maamulada Somaliyeed ee waqooyi Galbeed iyo Waqooyi bari waa Puntland iyo Soomalnd waxaan kula talin lahaa inay fiiriyaan ceebta ka imaan kartaa in wiil Soomaliyeed laga gato gumaysiga oo kadibna la gowraco.

Umada Ogadeniya ee halganka kula jirta gumaysiga itobiya, way.guulaysan wayna xoroobi mardhow insha allaah.
Godob sokeeye ma fiicnee bal dib ufikira oo toosha indhihiina meel fog kuqabta.
Ogadeniyay Cusrii baa dhacayee yusrigaa ka war dhawra insha allaah.

Bye liban miyir (kulmiye)

36221818