WAREYSI-Tarsan Oo Muujiyay In Dalku Gumeysi Ku Jiro.

33539666

Tarsan ayaa sheegay in dowladdu ku fashilantay federalka sababo la xiriira isagoo qabyaaladeysan oo sabab u noqday kala qeybsanaan iyo is nacayb bulshada dhexdeeda ah.

Waxa intaa dheer oo uu tarsan sheegay in Federalku uu yahay qorshe ay shisheeyuhu wataan oo dowladda Xassan Sheekh sanka laga galinayo ama lagu dirqinayo, wuxuu tusaale usoo qaatay wixii dhacay markii ay dowladdu diiday maamulka Axmad Madoobe xilligaasoo uu sheegay in Xabashitu dowladda ku amartay iney aqbalaan maamulkaasi.

Isagoo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo ahayd: N/key waxa uu isaga kala gooshaa gobolada dalka iyadoo la og yahay in maalin maalmaha kamid ah uu Subaxeedii ka quraacday Muqdisho, duhurkeedii ka qadeeyay Garowe, habeenkeediina ka casheeyay Hargeysa, Xassan Sheekhna sidaas oo kale uma tagi karo gobolada wadanka ee maxaa dhacay? ayuu ku jawaabay in taasi muujineyso cuqdada la kala dhex dhigay Soomaalida, isagoo dhaliilay Xassan Sheekh.

Sidoo kale marka la eego sida ay dowladda awaamiirta uga qaadato shisheeyaha ayuu Tarsan ku tilmaamay dullinimo ay sabab u yihiin madaxda dowladda “Haddaad daciif iska dhigtid oo aad weydiiso sidaas musqusha u tagi lahayd, fageytada saad u qabsan lahayd, meesha aad cuntada ka cuni lahayd waa nasiib darro” ayuu yiri Tarsan isagoo madaxda dowladda u sheegay ineysan macquul ahayn iney ummad hogaamiyaan marba haddii iyaga la hogaamiyo.

Duqii hore ee Muqdisho ayaa waxa uu soo hadal qaaday dhibaatooyinka lagu hayo shacabka magaalada Muqdisho oo ay kamid tahay wadooyinka u xiran dowladda iyo ciidamada shisheeye, wuxuu sheegay inaan dhagxaan lagu sugi karin ammaan loona baahan yahay in dhibka laga dul qaado shacabka gobolka Banaadir.

Tarsan wuxuu kusoo caan baxay bannaan baxyadii looga soo hor jeeday duullaankii Xabashida ee Muqdisho, waxaana la weydiiyay su’aal ku saabsan waxa iska badalay mowqifkii wadaniyeed ee uu ku muujin jiray sida aanu u ogoleyn in ciidamada Xabashidu joogaan ciida Soomaaliya.

Dhawaan ayey ahayd markii hogaamiye kooxeed Barre Hiiraale uu shaaca ka qaaday in dalku gumeysi ku jiro isaguna uu maxbuus ku yahay magaalada Muqdisho.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Tarsan

33539732

Voice Of Somalia-Somali Leaks.