DHAGEYSO:-Dowladda Federalka oo naxsan “Amisom Waxay Ka Bixi Rabaan Degmooyin Kale”

33599771

Dowladda federalka oo si aad ah uga naxsan tallaabadii ay ciidamada shisheeye uga bexeen qeybo kamid ah gobolka Sh/hoose ayaa xaqiijisay iney jiraan dhul hor oo ay Amisom dooneyso iney ka baxddo.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo degaan ahaan ku ab-tirsada gobolka Sh/hoose kana gaabsaday in la adeegsado magacooda ayaa inoo sheegay in ciidamada shisheeye go’aansadeen iney ka baxaan gobolka.

Mid kamid ah xildhibaanada ayaa yiri’ “labadii bilood ee lasoo dhaafayba waxay Amisom ku mashquulsanaayeen istaraatiijiyadda ay uga bixilahaayeen Sh/hoose, haddana waxay billaabeen in u baxaan qaabkii ay u qorsheysteen”.

Sidoo kale gudoomiyaha Sh/hoose ee dowladda Cabdul-qaadir Maxamad Nuur “Siidii” oo u waramay warbaahinta Mareykanka ayaa sheegay iney ka xun yihiin tallaabada ay ciidamada shisheeye uga bexeen Bariire iyo Aw-dheegle, isagoo ku calaacalay iney xeero iyo fandhaal kala dheceen.

Illaa iyo hadda lama oga duruufaha ciidamada shisheeye ku khasbay iney bixitaan billaabaan, laakin waxay u badan tahay dhiig baxa ku socda iyo arimo siyaasadeen oo isku biirsaday.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Somali Leaks.