DHAGEYSO:- Ilka Xanaf: “Al-Shabaab Kama Adkaan Karno Waxay Adeegsanayaan Guerrilla Fighting”

33627030

Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dowladda ayaa isagoo ka hadlayay weerarkii ballaarnaa ee hotel Maka Al-mukarrama shaaciyay iney ku adag tahay iney u babac dhigaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab sababo uu ku sheegay xeeladda dagaal ee ay adeegsanayaan oo halis ah.

Wuxuu sheegay in dagaalkoodu yahay mid aan la ogeyn xilliga ay soo qaadayaan, goobta ay ku qaadayaan iyo sida ay u qaadayaan taasna ay keeneyso in mar walba ay dhacaan weeraro waaweyn sida kii jimcihii iyo sabtidii galinkii hore ka socda Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu si cad u sheegay in dowladda looga sarreeyo dhanka sir doonka iyo ka daba tagga dhacdooyinka ama weerarada dowladda loo geysto. Ugu dambeyntii waxaa wax laga weydiiyay sida ay xaaladiisu tahay iyo halka uu ku dambeeyo Maxamad Cumar Carte ra’iisulwasaare ku xigeen ku dhaawacmay weerarkii hotel Centeral.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Somali Leaks