Xeer ilaaliyaha guud ee DF Axmad Cali Daahir oo wareysi siiyay mid kamid ah idacadaha la iska arko ee dibadda ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay ku yaallan xabsiyo shisheeyuhu leeyihiin.
Wuxuu sheegay in xabsiyadaasi ay ka furan yihiin Hargeysa, Garowe, Xamar, Kismaayo iyo Baydhabo isagoo sheegay iney wal wal ku heyso tacadiyada loo geysto dadka maxaabiista ah.
Axmad ayaa qiray in si aad ah loo ciqaabo dadka Soomaaliyeed ee xabsiyada ku xir xiran, isagoo tusaale usoo qaatay qof maxbuus ah oo sidii loo ciqaabayay ku geeriyooday xabsi ay Xabashidu ku leeyihiin magaalada Baydhabo.
Xeer ilaaliyaha ayaa intaa ku daray in qofka xabsiga ku dhintay loo geystay ciqaab daran iyadoo loo diiday inoo fariisto, taasoo keentay in sidii uu u taagnaa ay naftu ka baxdo. Axmad Cali daahir ayaa is ooysiinayay markii uu arrintan ka sheekeynay, laakin arrinta xusidda mudan ayaa waxay tahay in Axmad uu kasoo mid noqday dowladda Itoobiya gumaad daranna uu kasoo geystay dhulka Soomaali galbeed.
DHAGEYSO:-Bashiir Goobe: “Dhibaatooyin Daran ayaa ka Jira Xabsiga Dhexe ee Muqdisho”
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS