DHAGEYSO:Ugaas Cabdi Daahir: “Gumeysi Baanu Ku Jirnaa”

34053854

Ugaas Cabdi Daahir oo kamid ah hogaanka dhaqanka beesha Cayr ayaa waxa uu ka hadlay gumaadka ay ciidamada Liyu Bolis ee Itoobiya ku hayaan bulshada ku dhaqan xad beenaadka gobolka Galguduud la wadaago dhulka Soomaaliyeed ee ay Xabashidu gumeysato.

Waxay sheegay in degaanadaasi uu ka dhacay xasuuq aanu waligii arag, isagoo shaaca ka qaaday in dadka si arxan darro ah loo laayay, oo la gubay guryahooda, xoolahoodiina la baabi’iyay.

Cabdi Daahir ayaa intaa ku daray in aaney xisaab lahayn dadka la laayay marka laga yimaado meydad iyo dhaawacyo la keenay magaalada Guriceel, sababtoo ah isgaarsiin la’aan ayaa ka jirta dhulka gumaadku ka socdo.

Itoobiyaanka ayaa waxay xad beenaadka ku xasuuqayaan dadkii aad ugaaska u ahayd, Guriceelna waa ay ku raaxaysanayaa, ee sidee wax u jiraan ayaan weydiinay, wuxuuna jawaab ka dhigay iney gumeysi ku jiraan, dalka intiisa badanna uu sidaasi cadaw ugu gacan galay.

DF ee Xassan Sheekh ayuu eedeyn  u jeediyay, taasoo aan illaa iyo hadda ka hadal gumaadka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu meesha ka saaray warar horey loogu marin habaabiyay dad badan loogana dhaadhiciyay inaaney Itoobiyaanku cadaw ahayn, wuxuuna muujiyay in waxa laga macaashay arrintaasi ay noqotay gumaad.

Halkan Ka Dhageyso Ugaad Cabdi Daahir.lite