Waa su’aale yaa u maqan?

34053576

Ciidanka Liyuu Booliska Kililka 5-aad ee Ethiopia ayaa Laba Baar,Garajir iyo Sariiro, Godod iyo Saaxo, Ballidhiig iyo degaano kale oo ku xeeran ku laayay xoolo dhaqato iyo reer Miyi ka soo jeeda Gobalka Galgaduud.

Weerarka ay ku sooqaadeen Liyuu Boolisku deeganadas ayeey ku dilaan 62 ruux oo 11 ay haween ahaayeen inta kalena rag, waxaa dhaawacyo soogaareen in 80 ruux, 18 tuulo wey gubeen, dad badan oo xoolo dhaqato ah wey barakaciyeen.

Dadka qaar ayaa waxa la soo sheegayaa in ay u dhinteen daryeel la’aan iyo dhiig bax maadaaba meelaha lagu dilay aynan laheyn Isbitaalo.

Dadka dhintay oo ay Liyuu Boolisku xasuuqeen waxa ka mid ahaa dadka Birimageydada ah sida waayeelka iyo haween iyo caruur intaba.

Waxyaabaha la yaabka badan ee la soo sheegayo in ay Ciidanka Liyuu Booliska sameeyeen waxaa ka mida iney haween badan kufsadeen .

Waxaa kale oo deegaanka laga soo shegay in Ciidama Liyuu Boolisku ay boob ugeysteen Tuulinyka 18ka ah inta aysan Gubin ka hor iyagoo rartay xoola nool.

Inta aan ka war qabo ilaa iyo hada ma jiro Mauul Sare katirsan Dowlada Soomaliya oo ka hadlay dhibka loo geystay Dadka xoola dhaqata ah ee Galgaduud, marka laga reebo Gudoomiyaha Gobalka Galgaduud Mudane Cirfo.

Sidoo kale ma jirto Hay’ad Dowli ah oo iska xilsaartay sidoo loo gargaari lahaa daryeel caafimaadna loogu heli lahaa dadk badan oo la ildaran Dhaawacyadi ay ugeysteen Ciidamada Itoobiyanka ee Liyuu Boolis.

Hadii Dowlada Soomaliya shacabkeeda dhiigooda iyo Xanunkooda aysan wax xila iska saareyn waa Su’aale Dadka Soomaliyeed yaa u maqan?.

W/Q Bashir Ahmed Suuley.

VIDEO:-Askari kasoo goostay Liyuu Booliska oo ka hadlaya dhibaatada ay u geysteen Xoolo dhaqatada.

Voice Of Somalia-Somali Leaks