Dagaal Beeleed Dhiig Badan Ku Daatay Oo Ka Dhacay Duleedka Balcad.

34061762

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in saaka deegaano dhaca duleedka degmadaasi uu ka qarxay dagaal beeleed u dhaxeeya labo Jufo oo ku abtirsata mid ka mid ah beelaha dega degmada Balcad kuwaasi oo isku heysta dhul ku yaala duleedka degmadaasi.

Ugu yaraan 4 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa dhintay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray,dadka deegaanka ayaa sheegay in Maleeshiyo beeleedyo waalala ah ay isku dileen deegaanada kala ah Caliyaale,Garasbintoow iyo Hareeri Caadle oo dhammaantood hoos yimaad degmada Balcad.

Sidoo kale dagaal beeleedkaan waxa uu saameeyay dadka ku dhaqan deegaanada hoostaga degmada Balcad kuwaasi oo u badan xoola dhaqato iyo beeraley,iyadoona ciidamada AMISOM  iyo maamulka dowladda Muqdisho  ugu magacaaban degmada Balcad indhaha oo kaliya ay ka eeganayaan dadka walaalaha ah ee ku dagaalamayo duleedka degmadaasi.

Balcad iyo gobolka  Shebeelada dhexe ayaa sanado nabad ka ahaa dagaal beeleed ka hor intaan la geyn Amisom iyo Maleeshiyo Beeleedka Dowlada Muqdisho.

Voice Of Somalia-Somali Leaks