DHAGEYSO:-Maxaa Kala Qabsaday Guuleed Iyo Xaad. “Xaad wuxuu Daarood ahaan u Necbaa Cabdulaahi Yuusuf, waana jaajuus Itoobiya la shaqeeya” Nabadoon Guuleed.

34066317

Dood kulul oo ku saabsan xasuuqa ay ciidamada Itoobiya ka wadaan degaanada Xuduud beenaadka ee dhanka Galguduud ayaa waxay dhex martay Nabadoonada Maxamad Axmad Guuleed iyo Maxamad Xassan Xaad.

Guuleed iyo Xaad oo wada shaqeyn jiray kana tirsanaa hogaanka odayaashii Hawiye ee Xamar laga aas aasay waagii duullaanka Xabashida ayaa hadda kala aaminsan labo mab’da.

Guuleed ayaa ku taagan mabdi’iisii hore ee ahaa in Itoobiya dalka laga saaro, halka xaad oo ka tanasuliya mabdi’iisii hore uu qabo in Itoobiyaanku gacal yihiin.

Haddaba dooda oo dhinacyo kala duwan taabaneysa ayaa ah mid aad u xiiso badan oo macluumaad iyo xaqiiqooyin dhab ah laga faa’iidayo, waxaana hadalka ku horeynaya Xaad oo ka hadlaya Xasuuqa ay ciidanka Liyu Bolisku ku hayaan dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed.

Voice Of Somalia-Somali Leaks