Xukuumadda Burundi ayaa ku dhawaaqday in kumanaan katirsan ciidamadeeda ku sugan soomaaliya ay dib ugu celisay wadankeeda xilli khalalaasa dhan walba ah ka jiraan magaalada Bujambura.
Munaasabad ka dhacday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo ay kasoo qeyb galeen saraakiil katirsan ciidamada AMISOM ayaa lagu sagootiyay kumanaan askari oo muddo sanada ah soomaaliya kula dagaalamayay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Taliyaha ciidanka Burundi ee Soomaaliya ku sugan ayaa sheegay in 1,828 askari ay ka qaadeen soomaaliya islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonaan sugidda ammaanka Burundi.
“Maanta waxaan sagootinaynaa kumanaan katirsan ciidanka Burundi oo runtii howlgal fiican ka qabtay soomaaliya,dalkooda ayay dib ugu laabanayaan halkaasi oo ay ammaanka wax ka sugi doona”anayuu yiri Ergaga midowga Afrika uqaabilsan soomaaliya.