DHAGEYSO:-Xildhibaan Tahliil: “Madaxeynaha Ayaa Ummadda U Horseeday Gumeysiga Iyo Xasuuqa”

34069066

Xildhibaan Tahliil Cabdi Maxamad oo kamid ah Baarlamaanka DF ayaa sheegay in Xassan Sheekh uu gumeysi u hor seeday wadanka, isagoo tusaale usoo qaatay marxaladda adag ee uu dalku marayo.

Xildhibaanka oo aan wax ka weydiinay sababta uu madaxweynaha uga hadli la’yahay gumaadka ay Xabashidu ku heyso bulshada xuduud beenaadka ayuu sheegay inuusan ahayn nin u bisil arrintaas, waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in madaxweynuhu tacsi lasoo boodo marka dad laga dilo Kenyaatiga iyo Xabashida ummada Soomaaliyeedna uu ka hadli waayo!

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in dowladda Xassan Sheekh ay wadanka u horseeday kala qeybin iyo kala qoqobnaan, kadib markii ay dhaqan galineyso barnaamij dibadda laga soo waariday oo Federal la yiraahdo.

Wuxuu sheegay in dastuurka dowladda ay ku qoran tahay in Federalka ay noqon karaan labo gobol iyo ka badan, laakin hadda loo badalay qabiil iyo degaano aan labo gobol dhameyn, wuxuu tusaale u soo qaatay kan hadda Cadaado laga dhisayo oo gobol iyo gobol barkii loo rabo kuna saleysan qabyaalad.

Tahliil ayaa sheegay in qorshahan ay wataan dowladaha dariska, si wadanka loo kala qeybiyo. Ummada Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay iney aayahooda ka tashadaan oo aaney ku dagmin dowladda Xassan Sheekh.

Halkan Ka Dhageyso Xildhibaan Tahliil Cabdi Maxamad

Voice Of Somalia-Somali Leaks