Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee dalka Kenya, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo madax kale oo ka tirsan Barlamaanka dalkaas ayaa shalay yeeshay Shir gaar ah oo ay kaga hadleen Xaaladda Ammaanka ee dhulka Soomaaliyeed balse iyagu ula bexeen W/bari Kenya, Weerararadda mujaahidiinta Alshabaab iyo qorshahe lagu soo celinayo Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah duullaanka Soomaaliya.
Madaxa Guddiga Ammaanka iyo Xiriirka Dibadda ee Barlamaanka Kenya, Yusuf Xaji ayaa sheegay inay Dowladda Kenya hayso Istaraatijiyadda ay Ciiddankooda kala soo bixi lahaayeen gudaha dalka Kenya, wuxuuna xusay inay ururiyaan Aragtiyaha ku aadan Istaraajiyaddaasi. Waxa uu tilmamaay inay Dowladda kala shaqeynayaan sidii qorshahaasi loo hor geyn lahaa Golaha Wasiiradda Kenya.
Waxa uu intaasi ku daray inay shisheeyaha kale ee Afrikaanta ah kala tashanayaan Qorshahaasi, si loo helo Waddan kale oo ay Ciiddamadooda la wareegaan Deegaannadda ay Ciiddanka Kenya ka soo bixi doonaan.
Yuusuf ayaa intaasi ku daray in haddii aan la helin ciidan buuxiya booska ay ka baxayaan, ay ka dhigan tahay in guusha sare ay gaareen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ciidamada Kenya oo Soomaaliya kusoo duulay 2011 ayaa wajahaya dhiig bax badan oo gudaha iyo dibaddaba ku heysta shacabkooda iyo ciidankoodaba, waana wixii ay ka macaasheen iska dhaga tiridda digniinihii cuslaa ee mujaahidiinta.
XIGASHO RADIO ALFURQAAN