Soomaaliya waxaa mamnuuc ka ahaa in kabaha loo caseeyo ruux kursi ku fadhiya oo kabtii ay lugtiisa ku jirto waa astaan Liidnimo iyo Gumaysi waxay ahayd kala saraynta ninka madoow ee tabarta yar iyo nin cad ee xoolaha leh.
Astaanta noocaan ah waxaa laga helaa ama yaqaanaa wadamada kala oo ay ugu horeyso Kenya.
Soomaaliya kabo-caseeyuhu kabaha banaanka ayuu ku caseeya/tirtiraa dabadeedna ruuxii u geeyaa kabtiisii.
Waxaa astaamaha gumaysigu reebay ee foosha xun kamida in gaari qof qofkale lagu jiidayo laga helo dalka Kenya Halka Soomaaliya uu gaariga jiido dameer.
Kursigaan waxaa laga helaa meelaha lagu keydiyo walxaha taariikhda gumaysigii Afrika.
Filmkii Af-Soomaaliga ahaa ee DAN IYO XARAGO ee la sameeyay 1970yadii qeyb kamida waxaa lagusoo bandhigay kabo-caseeye Soomaaliya oo nin cad kadiidaya inuu kabaha ugu caseeyo kurisgaan taas oo lagu xusayay kasareynta iyo bahdilka iyo sida Soomaalida dulaysiga u diido.
Waa ayaan daro iyo ogaal xumo aqoon taariikheed in Qarnigaan maanta lagu faano kursigii gumaysiga kalasareynta ninka cad iyo ninka madoow.
Oo haddana Mustaf Dhuxuloow oo xilsare kasoo qabtay dowlada Soomaaliya ilmaha yar uu u dhiibo ama siiyo kursi noocaan ah, waloow laga yaabo in Wasiir Dhuxiloow uu ilowsanyahay taariikhda iyo astaanta kursigani ku leeyahay taariikhda Afrika iyo midabkii gumaysigii Yurubta galbeed.
Qore;- Abdirazak Socoto.