Siin iyo Saad hala kala sooco
Hala kala saaro Qadiyada, Qabyaaladda,Siyaasada iyo Waaqica jiro.
Waxaan kurajo weynahay in Qoraalkan gaaban uu kaaga jawaabi doono Suaalo ay kamid yihiin:-
●Dagaalada xagey ka dhacayaan?
●Waa kuwama Kooxaha Dagaalamaya?
●Ujeedada dagaalku Maxey tahay?
●Dagaalku siduu ku bilaawmay, yaase bilaaway?
Muhiim weeyaan inaad wax ka ogaato dhulka lagu dagaalamayo Oo deegaankaas Sawir lagaa siiyo Juquraafi ahaan.
Deegaanka Dagaaladu ka dhacayaan waa dhul balaadhan oo kakala tirsan Qoraxeey ,Shabeelle, Galgaduud dagaalku awal shaqo kuma laheyn Inkastoo hada la sheegayo in dagaalku xuduuda ka tilaabay.
Guud ahaan dagaalku wuxuu kasocday Degaanka lagu magacaabo Ceel Gaab iyo Doh oo ka tirsan Shilaabo iyo Degmada Laba baar oo hoos timaado Gobolka Shabeelle.
Ceel Gaab waa Dhul daaqsimeed ceelal wanaagsan leh oo lagu qiyaaso 200 KM oo isku wareeg ah. Deegaankaas beelo Soomaaliyeed oo asal u lahaa ayaa laga barakiciyey inti u dhaxeysay 1979-1987 ki iyaddoo la adeegsanayo Shaatigi Dowlada Kacaanka, Jabhadi SSDF iyo waliba USC.
Colaada deegaankaas ka taagan waligeed ma qaboobin oo tan iyo waagaa wey soo jiitameysay.
Deegaankaas dadki daganaa waa laga riixay iyaddoo Itoobiya la isku haleenayo, iska caabin iyo Dagaalo faraha looga gubtayna dabcan weey jireen.
Waxaan marnaba la hilmaami karin Dagaalki “Casar Balaayo” ee Umulaha lagu dooxay illaa hadana dadka qaarkii ku faanaan.
Laba baar waxey qiyaas ahaan Shilaabo u jirtaa 90 km. Dadka dagan iyo xilligey soo dageen iyo qaabkey kusoo dageen waa baab gaar ah oo aan halkan ku furi karin.
Tuulooyinka uu dagaalku sameeyay waxaa kamid ah :-
Walasan
Ceel Habreed
Garjiir
Qalqalooc
Gadhcilaan.
Waxaan shakhsiyan la xidhiidhay Muwaadiniin kala joogto Shilaabo, Diridhaba, Jigjiga, Haarcad, Dalamiyo.
Dalamiyo oo muuqato aaga Colaada waxey ii sheegeen in danaaniga hubka lala seexan la’ayahay.
Hadaba Yaa Dagaalamayo?
Xogta Rasmiga ah waxaa weeye in wax shacab ah uusan haba yaraatee dagaalkan ku lug laheyn.
Dagaalkan waxaa ku hardamaya Liyu Police oo ah Ciidan ka amar qaata Ethiopia iyo Maleeshiyo Beeleedyo hubeeysan oo kasoo jeedo Gobolka Galgaduud iyo Laba baar.
Dagaalku muxuu ku biloowday yaase bilaaway?
Warar aan kahelay illo aan ku kalsoonahay ayaa sheegayo in dagaalku uu ku biloowday dhacdadan kooban darteed:-
■ Ina Abdi Xuseen Gacameey oo ah Sarkaal ka tirsan Liyu Police saldhigiisu yahay aaga Caleen iyo Higlooleey ayaa kadaba yimid Labo Askari oo katirsanaa Liyu Police. Labadaas Askari waxey kasoo goosteen Liyu Police waxeyna lasoo baxsadeen Qoryahoodi. Deegaan ahaan waxey kasoo jeedeen Laba baar,waxayna u adkaysan waayeen Gumaadka iyo Kufsiga lagu hayo dhulka ay ka soo jeedaan.
Hadalo la is dhaafsaday kadib Ina Gacameey iyo Istaafkiisi ayey si gaadmo ah u dileen Maleeshiyaad Reer Labo baar ah.
Kadib falal aargoosi ah iyo weeraro ayaa kadambeeyay illa maantadan oo uu dagaalku socdo dhul badanna saameeyay.
Saameeyn Nololeed iyo Khasaaro nafeed oo aan la koobi karin.
Dhimashadu waxeey dhaaftay 100 halka dhaawacu cagacageenayo 200.
dhaawaca Maleeshiyada Liyu Police waxaa lakala geeyay Shilaabo, Wardheer, Qabridahar iyo Jigjiga , halka meeydka badankiis lagu aasay Shilaabo.
Dhinaca kale dhaawacyada Maleeshiyada kale waxaa la geeyay Guriceel.
Ma jiro Tirokoob rasmi ah oo laga hayo khasaaraha dagaaladan waayo Haayado madaxbaan ma joogaan dagaalkuna wuxuu ka socdaa miyiga durugsan.
Waxaa iyadana Xusid mudan oo ah wax lagu qoslo Gudoomiye Cirfo oo ah Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud oo Idaacadaha laga maqlayay isagoo cabaad Afka furtay !
Hilmaam dhawaa !Ma umul baa?
Soo tuu Idaacadaha ka faanayay waagi dhawayd ee uu Masaakiinta Gobolkeena kasoo qaxday uu Itoobiya u dhiibay isagga iyo Qabqable Taar dhuleed.
Miyuu hilmaamay Ficiladi foosha xumaa ee ay ku kacday Ehlu Suna oo aan aniga ugu yeero “Ahlu Subag Wal Marqaan” ?
BAAQ
1.Xabada Hala joojiyo Shacabkana haloo turo
2.Oday dhaqameedyadu kaalintooda ha kasoo baxaan si Alle ka cabsi ku jirto
3.Dhul boobka iyo Isku haleeynta Itoobiya halaga waantoobo. Itoobiya inama kala jeclo.
Samir iyo Iimaan Allaha ka siiyo Dhamaan umadda soomaaliyeed ee Gobolka ee uu soo gaaray dhiibatada colaadaas noocey ahaataba.
AFEEF : Qoraalkan waa Qoraal ku saleeysan Waaqic iyo Xaqiiqooyin dhab ah. Hadeey kahor timaado Waxaad jeceshahay ama wararka aad ka maqashay Warbaahinta been afuufka ah, waan ka Cudur daaranayaa.
Runta sheegideeda Alle ayaa nagu jecel.
WABILLAAHI TOOWFIIQ.
W/Q : ANWAR
Wafdi kasocda beelihii ay xasuuqeen Liyuu Police”Hawaarinto” oo Gaaaray Jigjiga.
Voice Of Somalia-Somali Leaks