Maleeshiyaadka Suufiyada ee taabacsan Xabashida Itoobiya ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud kadib markii ay weerar ku qaadeen maleyshiyo aan badneyn o ka tirsan Maamulka Dowlada Muqdisho.
Dagaal ayaa muddo ka socday magaalada ka hor inta aanan lala wareegin. Goob joogayaal ayaa sheegaya in hub culus iyo mid fudud intaba la isku adeegsaday, waxaana jira khasaarooyin soo kala gaaray labada dhinac iyo dadka shacabka intaba.
Xabashida Itoobiya ayaa la tilmaamay in ay ka dambeeyaan arrintan , iyagoo ku xumeynaya Xasan Sheekh iyo maamulka Muqdisho oo culeys ku heysa xubno ay Itoobiya wadato oo u sharaxan maamulka la doonayo in Cadaado laga dhiso.
Itoobiyaanka ayaa la sheegayaa in arrintan ay kula gorgortamayaan Xassan Sheekh, oo haddii uu Xassan ogolaado waxa ay Itoobiya rabto, waxaa macquul ah in ciidamada Suufiyada amar lagu siiyo iney kusoo laabtaan Guriceel.