Horaan wax badan u weeraray cidii xasuusata Maleeshiyada wadata magaca boolida ah een booskiisa ladhigin, balse waxaan filayaa inaana dayn doonin intay dulmiga ku dhexjiraan.
Hadaan waxyar falanqeeyo Magaca ay wataan oo ah Policeasal ahaan waa magac caalamka oo dhan ka dhaxeeya, waxaana lagu yaqaanaa ciidanka magacaas wata inay amniga sugaan kana hortagaan qaybaha bulshada kamid ah ee faldambiyeedyada ku kacaya, sida dhaca, dilka iyo waxa la midka ah. Waxay hoos tagaan Maxkamada Cadaalada oo waa inay dambiilaha hor keenaan Maxakamadda kuna soo cadeeyaan Dambiga, haday cadayn keeni waayaan waxay Maxkamadu gar uleedahay inay fasaxdo ruuxaas, taasoo markaa noqonaysa in Maxkamada cadaaladu awooda sare leedahay.
Hadaan yara sharraxo sida lagu askumay Liyu Booliska-Wasaarada gaashaandhiga Itoobiya ayaa soo aruurisay dad ilaahay kuwii ugu liitay, kadibna huwisay magicii wanaagsanaa ee caalamka caanka ka ahaa heybadana ku lahaa. Laba ujeedu ayaa loo aas aasay, mida hore inay shacabka laayaan si loo nugleeyo kadibna la ogoleysiiyo gumaysiga iyo inay la diriraan ururka Milatarigii itoobiya u taagwaayay ee ONLF.
Waxaa asbuucyadan Geeska Afrika ku cusbaa guluf colaadeed ooy majaraha u hayaan Qaldaamiinta liyuu boolisku. Goobaha ay colaadu ka hurayso waxaa kamid ah Lababaar iyo Nawaaxigeeda. Ahmiyad wayn masiinayo dhanka ay raacsantahay Ogadenya Iyo Somaliya oo waa umad isku meel kasoo jeeda oo wada haysata Diinta Islaamka. Sidoo kale ahmiyad masiinayo cida gardarada bilowday iyo tukale midna ee waxaan muhiimada saarayaa yaa Tiknikada saaran maxayse gaysteen?
Maanta dunida waxbadan ma kala qarsoona oo waxaa laysku raacay inay duulaan qalafsan qaadeen maleshiyada Cabdi Ilay kadibna waxay sameeyeen wixii ay kasoo sameeyeen Gobolada Ogadenya oo ahaa xasuuq wadareed, dhac iyo kufsi intaba, sida Galaalshe, Qoriile iyo Qabridaharre. Horumarka uu maamulka Cabdi ilay sheegtana markii dhab ahaan loo fasiro waa gumaadka bulshooyinka Soomaliyeed oo Axmaaro u xilsaartay. Aniga oo aad uga xun dhacdadaas kana Tacsiyaynaya ayaan leeyahay Soomaalidu goormay wax fahmi doontaa? Ma markii mid walba gurigiisa loogu tago ee Birta lasaaro, maatidiisana lagu hor qalqalo!
Uma gar qaadayo Ciidan hubaysan iyo dad maxas ah oo u badan Dumar iyo Caruur ee waxaan qaadanayaa xikmadii oday u dhashay Ogadenya oo gar loo keenay, kadibna xukumay makhraati la’aan, markii la waydiiyayna sheegay inuu u cuskaday xog,ogaalnimo! sidoo kale mar hadaan waxbadan kala socdo Liyuu Boolis- xataa haday iga soo gaadho inay Hilib dad cuneen waan rumeysanayaa iskaba daa inay dad iyo xoolo layeene!
Ruux kasta oo muslim ah markuu tukado waxaa Sunne ah inuu cadaabka Jahanama ilaahay ka magan galo, laakiin kuwa Geeska Afrika ku sugan haku daraan inay ka magan galaan Cabdi Ilay iyo Ciidankiisa! si kastaba ha ahaatee waxaa cad inayna soomaali meel ay joogtaba sabankan duco qabin inkaartuna way ku dhex wareegtaa oo sida Kubada ayay qolaba mar laadaa! Inkasta oy soomaalida qabyaaladi meel xun dhigtay mararka qaarkoodna ay Qabaa’ilo isku dhacaan hadana midan maanta ay ka qeylyayaan ree Hiiraan iyo ree Galguduud ayaa ah Mindi ay Axmaaro dabada hayso loomana tiirin karo Qabiil!
Gabagabadii qoraalkan waxaan kusoo xidhayaa maah,maahdii soomaaliyeed ee aheyd i arkaay waxaa ka dambeysa i qariyaay oo micnaheedu yahay cidii bani, aadam ah oo xadkeeda dhaafta kibir iyo qooqna madaxmaro waxaa soo dhow waqtigii la arki lahaa iyadoo Dhulka galgalaneysa!
Qoraa madax banaan
Xaaji M/rashiid Aw Macalim
samatobaxe2014@hotmail.com