DHAGEYSO:-Maxaa Ka Jira In Soomaaliya Daawooyinka Loo Cuno Sida Raashinka? Maxayse Dhaqaatiirtu Ka Yiraahdeen?

34107677

Marka laga hadlayo wax yaabaha laga ganacsado, waxaa kuwa safka hore uga jira kamid ah daawooyinka oo si aad ah dadku u isticmaalaan. Waxaa jira shirkado waaweyn oo keena dawooyin kuwaasoo ay xarumahooda ugu weyn ku yaallaan suuqa Bakaaraha.

Dabcan waa horumar in dalku uu yeesho shirkado daawooyinka keena, laakin dhibaatada jirta ayaa ah inaaney jirin cid baaritaan ku sameysa tayada dawooyinka la keenayo iyo waxa ay yihiin intaba.

Daawooyinka ugu badan ee dadka Soomaaliyeed isticmaalaan ayaa waxaa kamid ah kuwa loo cuno lafa xanuunka, kuwa awooda laga raadiyo iyo kuwa dadka hurdasiiya. Intaa waxa dheer dawooyinka Malaria iyo kuwa Tiifowga.

Dadku dhaqaatiir kalama tashadaan dawooyinka ay isticmaalayaan, balse si iskood ah ayey Pharmacy uga soo iibsadaa, Fharmacy-guna ma weydiiyo warqad cadeyn u ah in qofkan daawadan dhaqtar usoo qoray.

Haddaba arimahan ayaa waxaa si aad ah uga hadlay Dr. Xanafi oo ah dhaqtar ku takhsusay daawada iyo Kiimikada iyo Xassan Nuur Sabdow oo ah aqoonyahan dhanka arimaha bulshada.

Halkan Ka Dhageyso Aqoonyahanada

Voice Of Somalia-Somali Leaks