Xaalad dhaqaala xumo middi ugu xumeed ayaa soo wajahday dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho taasi oo dalka kusoo hoggaamisay shisheeyaha.
Waxkabadan sedax bilood wax mushaar ah ma qaadan dhammaan shaqaalaha DF-ka taasi oo keentay in dad badan ay shaqada ka fariistaan.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kumanaan qof oo isugu jira saraakiil iyo shaqaale hoosaadyo aysan wax mushaar ah qaadan islamarkaana ay cabasho ka muujinayaan xaaladda Busaaradda ah ee maamulkooda ku habsatay.
Wasiirradaha ay maamulaan qurba joogta iyo saraakiisha ammaanka madaxtooyada qaabilsan ayaa la sheegay in lacago ka helaan dekadda Muqdisho iyo hay’adaha shisheeye sida UNDP balse shaqaalaha kale aysan lacago helin.
Musuq maasuq iyo wax isdabamarin ay ku dhaqaaqeen mas’uuliyiinta DF-ka ayaa sababtay in ay musalafaan ilaha dhaqaalaha DF-ka,kumanaan katirsan maleeshiyaadka DF-ka ma helaan wax mushaar ah halka ciidamada shisheeye ay bil walba si hormaris ah lacago kumanaan dollar ah ku helaan!.
Garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho iyo dekadda waxaa gacanta ku haya shirkado shisheeye oo Turkiga laga leeyahay kuwaasi oo bil walba qaata lacago malaayiin dollar ah.
Soomaaliya ayaa xaalad gumeysi ah kujirta iyadoona kheyraadka shacabka soomaaliyeed ay shisheeye afka u dhigteen,deegaanada iyo degmooyinka gacanta mujaahidiinta kujira wax dhaqaale darra ah kama jiraan iyadoona bulshadu heer isku filnaasha ah gaartay.