Xoolaha la dhaqdo, geela ayaa u qeyma badan, Soomaaliduna aad ayay u jeceshahay. Miyi iyo magaalo nolosha ayaa ku tiirsan, waxaana laga helaa godol iyo gaadiid.
Hilibkiisa ayaa aad looga cunaa, Soomaaliduna diyada ayay ku bixisaa. Waagii horena dumarka ayaa yarad ahaan looga dhiibi jiray, taasoo weli meel Soomaaliya ka mid ah ka jirta.
Haddaba war bixintaan waxay ka hadlaysaa wax tarka Geela iyo mhiimadda u leeyahay, waxaana wareysanaynaa qaar ka mid ah Geel jiryaasha oo sheegaya in ay haystaan nolol heer sareysa ah islamarkaana aanay dooneyn waxa ay ugu yeereen nolosha liidata ee magaaalada.
Idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa booqatay halka Geela lagu ilaaliyo, kadibna waxay ka diyaarisay war bixin maqal ah oo aad qeybta hoose ka dhageysan kartaan.