DHAGEYSO:-Xassan Sheekh oo ka Cawday Hadallada Kul kulul ee Axmad Madoobe iyo Gaas.

34137749

Qorshaha hir galinta Federalka ee ay shisheeyuhu keeneen, waxa uu saameynta ugu horeysa ku yeeshay Xassan Sheekh kadib markii isaga iyo maamul goboleedyada laga dhigay kuwa isku awood ah, halka qaarkoodna ayba ka awood badan yihiin.

Bilihii u dambeeyay, waxaa soo batay hadallo iyo muuqaalo muujinaya in maamul goboleedyada iyo DF yihiin dowlado kala duwan oo aanan wax shaqo ah isku lahayn, waxaana hadalada caan baxay kamid ah: “xiriirka ayaan u jarnay DF”

Xassan Sheekh Maxamuud oo inta marar badan is qabteen maamul goboleedyada, kadibna looga yeeray Adis-ababa ayaa markan si aad ah u dhawaaqay, wuxuuna sheegay ineysan sinnayn maamul goboleedyada iyo dowladiisa.

Dhawaan ayey ahayd marki Baarlamaanka DF uu mooshin ku kala diray Baarlamaanka Axmad Madoobe, taasoo keentay in Axmad Madoobe iyo Gaas ay si wada jir ah ugu goodiyaan dowladda Xassan Sheekh.

Hadalka uu jeediyay madaxweynaha DF ayaa waxaa laga dheehanayaa gocasho iyo ciil ku aadan, culeyska uga imanaya maamul goboleedyada. Maamul goboleedyada ay shisheeyuhu doonayaan iney ku kala qeybinaan wadanka ayaa u dhisan hab qabiil, waxaadna dareemeysaa sida uu Xassan Sheekh ugu lug leeyahay maamulka laga dhisayo Cadaado iyo sida uu Gaas ugu lug leeyahay maamulka Kismaayo.

Halkan Ka Dhageyso Xassan Sheekh

Voice Of Somalia-Somali Leaks