DHAGEYSO:-Bashiir Goobe: “Dhibaatooyin Daran ayaa ka Jira Xabsiga Dhexe ee Muqdisho”

34937360

Bashiir Maxamad Jaamac (Bashiir Goobe) oo ah taliyaha ciidanka Asluubta ee DF ayaa shaaca ka qaaday in tacdiib daran uu ka jiro xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku xiran yihiin kumannaan dad ah, oo u badan kuwa magaalada Muqdisho.

Isagoo la hadlayay warbaahinta DF ayuu sheegay in xabsiga uu yahay mid si aad ah ciriiri u ah, taasoo ay sii dheer tahay biyo la’aan, nadaafad darro iyo dhibaatooyin kale.

Intaa wuxuu ku daray in dadka Xabsiga ku jiraahi aaney qaarkood seexan habeenkii, sababtoo ah, waa istaag oo meel la jiifto ma laha, sidaa darteed ayaa wuxuu sheegay in maxaabiistu qaar jiiftaa, qaarna iska taagnaadaan.

Muddo badan ayaa waxay aqoonyahanadu ka hadlayeen ciqabka daran ee Xabsiga dhexe ka jira,iyadoo dowladduna qarineysay, laakin waxay maanta u muuqataa in arrintu qaris dhaaaftay maadaama ay ka hadlayaan saraakiishii iyo taliyaashii ciidanka ee dowladda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa kale oo ku yaala xabsiyo ay leeyihiin shirakada ajaanibka ah  kuwaas oo   ay sheegeen wariyaal ajaanib ah oo dhowr jeer tagay xerada Xalane oo talis u ah shisheeyaha.

 Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS

One thought on “DHAGEYSO:-Bashiir Goobe: “Dhibaatooyin Daran ayaa ka Jira Xabsiga Dhexe ee Muqdisho”

  1. Pingback: DHAGEYSO:- Ciqaabta ka jirta Xabsiyadda-“Maxbuus ayaa dhintay sidow u taagnaa”Xeer ilaaliyaha guud Axmad Cali Daahir | Voice Of Somalia

Comments are closed.