Gudoomiyaha degaanka Leego ee DF Abuukar Cabdullaahi Isaaq (Al-cadaala) ayaa sheegay iney heleen ciidamo Itoobiyaan ah oo qeyb ka ahaa kuwii lagu helay inta u dhaxaysa Leego Iyo Buur-hakaba, kuwaasoo intoodii badbaaday ay jihooyin kala duwan u firxadeen.
Abuukar ayaa sheegay in ciidamadoodu sameeyeen hawl gallo ay ku baadi goobayaan ciidamadaasi Itoobiyaanka ah, ayna maanta u suura gashay iney labo kamid ah soo helaan.
Wuxuu sheegay iney jiraah ciidamo badan oo hawdka ku lunsan, ayna doonayaan iney soo badbaadiyaan. Waxa uu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo tirada ciidankaasi iyo sidoo kale khasaaraha ay kala kulmeen dagaaladii doraad iyo shalay intaba soconayay.
Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa galabnimadii Khamiista qabsaday dagaal culus oo si weyn loo soo agaasimay, xilli ay saad ka qaateen degaanka Leego kuna sii jeedeen degmada Buur-hakaba.
Khasaaraha Xabashida kasoo gaaray dagaalka ayaa aad u badan, waxaana marka laga yimaado askarta laga dilay jirta gaadiid dagaal iyo kuwa xamuul ah oo laga gubay, kuwaasoo ay ku jiraan kuwa gaashaaman.
Ciidamada Itoobiya oo waayihii u dambeeyay ku faanayay iney yihiin kuwa ugu awooda badan afrikaanta kale ee wadanka kusoo duushay ayaa waxay haatan xaaladoodu mareysaa in ay usoo gurmadaan ciidamadii dowladda ee ay xabadaha isaga dhigayeen.
Voice Of Somalia -Somali Leaks