Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhaxgalay maamullada Puntland iyo Muqdisho kaasi oo salka ku haya awood qeybisiga iyo kheyraadka.
Hoggaamiyaha maamulka “Puntland” Cabdi Wali Gaas ayaa sheegay in maamulkiisu uu xarigga ujari doono DF-ka haddii ay sii wado wax uu ugu yeeray “Jebinta dastuurka qaranka”.
Gaas wuxuu sheegay in waxa ka socda magaalada Cadaado aysan u adeegayn midnimada maamullada ka jira gobollada iyo dowladda Federaalka isagoona ku baaqay in loo laabto dastuurka oo uu ula jeedo xeer ku sheegga DF-ka ku shaqeyso ee A.Mahiga uu diyaariyay sanaddii 2012.
“Dastuurka oo saldhig u ah Federaalka ayaa lagu xad gudbayaa waxaa muuqata in dhib wayn uu kasoo socdo dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Cadaado”ayuu yiri Gaas.
Maamulla ku sheegyada kajira Soomaaliya ee maqaar saarka u ah dowladaha shisheeyaha Kenya iyo Jabuuti ayaa ah kuwa kamadax banaan DF-ka ee Xasan Sheekh madaxda ka yahay waxaana muuqata in maamulladaasi ay sida dowlad madax banaan oo kale ula dhaqmaan maamulka Muqdisho ka arrimiya.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@yahoo.com