Maamulka BANAADIR NEWS NETWORK =Voice Of Somalia-Somali Leaks & Banaadir Post,ayaa umadda Islaamka ee Soomaaliyeed dal iyo dibadba waxa uu ugu hambalyeynayaa bisha barakeysan ee Ramadaan.
Waa Nimco weyn ah inow ALLAH nasoo gaarsiiyay bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah fursad qaali ah sanadkiiba hal mar soo marta dadka Muslimiinta’waxaana waajib nagu ah inaan ALLAH dhamaanteyn uga mahadcelino soo gaarista bisha barakeysan ee Ramadaan.
Waxa uu Maamulka ku dhiira gelinayaa Muslimiinta iney ka faa’ideystaan bishan fadliga badan ee sanadkiiba hal mar nasoo marta, waxaana uu Allah ka baryey in bishan uu ka dhigo mid uu inaga dul qaado dhibaatooyinka iyo Gumeysiga.
Wuxuu ku boorinayaa Umadda Muslimiinta iney is caawiyaan ,islamarkaana iska war qabaan, si uu Allah ugu naxariisto.
Voice Of Somalia-Somali Leaks.