Shir ka dhacay magaalada Jigjiga uu ku Qabtay Horjooge Cabdi iley ayaa isu badalay Goob Diinta Islaamka iyo Dadkeeda lagula Dagaalamo looguna gaysto af Lagaado toos ah.
Wasiirka Federalka Itobiya oo shirkaasi kaqayb galay ayaa sicad ka qayb galayaasha ugu sheegay in dhamaan Goobaha lagu barto Diinta Islaamka, siiba Dugsiyada Quraanka, Madaarista, iyo Masaajidu yihiin halka ay kasoo baxaana argagixisadu.
Sheferow waxaa uu sheegay inay waajib tahay in Iridaha laysugu dhufto dhamaan Goobaha lagu barto Argagixisanimada oo ula jeedo Dugsiyada Quraanka, Madaarista, iyo Masaajida.
Waxaana arintaasi uu u xilsaaray maamulada heer Degmo ilaa Tuulo kuwaasi oo uu sheegay in lagula xisaabtami doono hadii ay sii shaqeeyeen Goobaha argagixisanimada lagu barto.
Hadalka Sheferow ayaa waxaa aad ugu Guuxay Horjooge Cabdi iley oo sheegay inay Horay ula dagaalameen dhamaan Goobaha Diinta islaamka lagu barto waxaana uu balanqaad rasmi ah Hoosta kaga xariiqay in meelaha Yar ee hadhay laga qaadi doono Talaabo deg deg ah.
Males ayaa horey u aaminsanaa arinkaas oo kale,wuxuu hore u yiri “Inta ay jiraan Dugsiyada Quraanka, Madaarista, iyo Masaajida waa joogtaa Argagiixiso”
DHAGEYSO- SHALAY IYO MAANTA:Gabi dhacleynta Sheekh Umal iyo Mawaaqiftiisa Diineed
Voice Of Somalia-Somali Leaks.