Dowladda Shiinaha ayaa sanadkan markale Muslimiinta ka hor istaagtay in ay gutaan Waajibka Soonka ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Iyadoona soo saartay amar Muslimiinta looga mamnuucayo in ay soomaan gaar ahaan Shaqaalaha u shaqeeya Dowladda iyo Ardayda Jaamacadaha iyo Iskuulada. Go’aankan oo Dowladdu ay sheegtay in uu si gaar u quseeyo Muslimiinta ku nool gobolka Turkistaanta Bari ee loo yaqaano Shingyang ayaa waxay dowladu sheegtay in uu yahay mid lagu xadidayo ama lagu yareyno in Muslimiintu ay si wanaagsan ugu dhaqmaan diintooda.
Amarkan oo lagu baahiyey Website-yo badan oo ay leedahay Dowladda Shiinaha ayaa la sheegay in uu saameynayo Ardayda Iskuulada & Jamaacadaha, Shaqaalaha Xafiisyada dowladda, Macalimiinta iyo dadka Muslimiinta ah ee ku nool gobolka Turkistanta bari. Wakaaladda Wararka AP ayaa sheegtay in go’aankan uu aad u saameeyey dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalkaas kuwaas oo sanadihii la soo dhaafay wajahayey cadaadis xoogan oo ay saareysay dowladaas shuuciga ah.
Dowladu waxay diyaarisay ilaalo gaar ah oo dhalinyarada iyo ardayda ka hor istaagi doona in ay galaan Masaajidda inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan sida lagu sheegay war ka soo baxay Shiinaha ee lagu soo daabacay Website-yada Dowladda. Dowladda Shiinaha ayaa Sanadkii la soo dhaafay sidan oo kale Muslimiinta ka mamnuucday in ay soomaan bisha barakeysan ee Ramadaan, Waxayna go’aanadan qeyb ka yihiin cadaadis iyo caburin joogta ah oo dowladaas ay ku heyso Muslimiinta tirada yar ee ku nool gobolka Galbeedka wadanka dhaca ee Turkistaanta bari.
Dadka Muslimiinta ah ayaa dhowr jeer sameeyey kacdoono ka dhan ah xukuumada Shiinaha balse taas kama aysan saacidin in ay iska dul qaadaan dulmiga halkaas ka jira, Waxaana Xukuumada Shiicada ah ay sii kordhisay un raafka, dilalka aan loo meel dayin iyo xadgudubyada ka dhan ah Muslimiinta ah.
Deegaankan ayaa tan iyo bishii July ee la soo dhaafay masrax u ahaa iska horimaadyo iyo dagaallo u dhexeeyey Muslimiinta ku nool gobolkaas iyo Ciidamada Police-ka, Waxaana dhowrjeer ciidanku uu ka geystay howlgalo raaf ah sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo Hay’adaha Kheyriga uu u dooda Xuquuqda dadkaas la dulmiyey. Gobolkan oo Dowladda Shiinahu ay u taqaano Shingyang ayaa waqti badan ku hoosjira gumaad ay Dowladaas kula kaceyso dadka Muslimiinta ee laga tirada badan yahay kuwaas oo gumaad iyo gowrac ba’an kala kulmaya maamulka shuuciga ah ee dalkaas oo gacan bir ah ku haya dadka Muslimiinta.
Turkistaanta bari waxaa ku nool Qowmiyadda Muslimiinta ah ee lagu magacaabo Iigooriyiinta kuwaas oo cadaalad darro iyo naceyb joogta ah kala kulmaya shuuciyiinta ku nool dalkaas, Waxaana laga hor istaagay wax waliba oo hormar iyo Madaxbanaani gaarsiin kara Muslimiinta ku nool gobolkaas. Ku Dhawaad muddo halqarni ah ayey dadkaas ku hoosjiraan gumeysiga dowladda Shiinaha, Waxaana dhamaan laga hor istaagay Xuquudoodii, Shantii Sano ee la soo dhaafay ayey Muslimiintu la soo baxeen kacdoon xoogan oo ay aduunyada ku dareensiinayaan dulmiga iyo tacadiyada ay ku hoos nool yihiin, Waxaana sanadkii la soo dhaafay ay geysteen weeraro kala duwan oo isugu jira, Qaraxyo, Toogasho, Tooreyn iyo mudaaharaadyo dhiigwata oo ay isaga caabinayaan gumeysiga.
Voice Of Somalia-Somali Leaks