Muxuu Isku Casilay Afhayeenkii Xukuumadda Cumar Cabdirashiid?

34203840

Maalintii shalay waxaa is casilay afhayeenkii xukuumadda Tidwaan Xaaji Cabdiwali, isagoo saxaafadda u sheegay inuu shaqada uga tagay arimo isaga u khaas ah.

Xog ay heshay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa ku waramaysa in is casilaadiisa ay sabab u tahay mushaar la’aan muddo afar bilood ah oo heysata dhammaan shaqaalaha dowladda.

Ridwaan ayaa lacag badan ku daggan hotelka Ambasador ee ku yaalla wadada Maka Al-mukarama, waxaana jirta in marar badna uu la hadlay ra’iisulwasaaraha si mushaaraadkiisa loo siiyo, laakin aanu wax jawaab ah ka helin sida uu inoo sheegay sarkaal ka tirsan qeybta war faafinta dowladda oo magaciisa u qariyay sababo ammaan.

 Dhawaan ayey ahayd markii uu ra’iisulwasaaruhu shaaciyay in Bankiga adduunka uu DF ka goostay dhaqaalihii uu siin jiray, waxaana jira shaqaale badan oo qarka u saaran isaga ka baxaan dowladda.

Xigasho:Idaacadda Alfurqaan.