Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in taliye sare oo katirsan ciidanka Melleteriga looga dilay weerar isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay Koonfur galbeed Soomaaliya halkaasi oo ciidanka Uganda uga jiraan dagaal.
Wargeys kasoo baxa magaalada Kampala oo soo xiganaya Afhayeenka UPDF ayaa sheegay in sarkaalka oo ahaa dagaal geliyay uu ku dhintay qarax ka dhacay tuulada Tooratooroow ee shabeelaha Hoose xilligaasi oo ay ciidamada shabaabul Mujaahidiin weerar xooggan ku qaadeen saldhigyada ciidamada shisheeyaha AMISOM.
Sarkaalkan la hadlay jariidada ayaa sheegay in sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray Lt. Denis Okech Okello islamarkaana lagu dilay qarax miino oo lala beegsaday gaarigii uu la socday’waxaana uu intaasi ku daray in sarkaalka la dilay xilliga qaraxa uu kasoo baxay deegaanka Tooratoorow kuna sii jeeday dhanka deegaanka Numbar 50 oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada hoose.
Sidoo kale jariidada waxey qortay in sarkaalka maalmo ka hor lagu dilay qaraxa ka dhacay duleedka deegaanka Tooratoorow ee gobalka Shabeelada hoose lagu aasay duleedka magaalada Lira ee dalka Yuganda.
http://www.newvision.co.ug/news/670193-updf-officer-killed-in-somalia-laid-to-rest.html