Dowladda Burundi Oo Qiratay In Ciidankooda Jab Xooggan Lagu Gaarsiiyay Gayiga Soomaaliyeed.

CIfYZMbXAAAIeNw

Afhayeenka ciidanka Milliteriga ee dalka Burundi ayaa ka hadlay dharbaaxadii cusleyd ee ciidankooda ku qabsatay degaanka Leego ee gobolka Sh/hoose maalintii shalay.

Afhayeenkan oo lagu magacaabo Gaspard Baratuza ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Bujunmbura ee caasimadda dalkaas ayaa waxa uu si niyad jabku dheehan yahay ku qiray in ciidamadooda khasaare culus lagu gaarsiiyay weerarka ayna ka xun yihiin.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Jarmalka ee DPA, Afhayeenka  ciidanka Burundi ayaa qiray in 50 askari looga dilay weerarka, waxaana uu ka gaabsaday su’aalo dhowr ah oo laga weydiiyay khasaaraha.

Mar haddii dowladda Burundi qiratay in 50 laga dilay ayaa waxaa muuqanayay in dhimashada ciidamadoodu gaareyso 100 iyo wax ka badan, waayo Burundi waxay caan ku ahaayeen in marka toban laga dilo ay labo qirtaan.

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh/Cali Maxamuud Raage (Sh/Cali Dheere) ayaa war baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan u sheegay in ciidamada Burundi la gaarsiiyay mid lamid ah khasaarihii ku gaaray dagaalkii Dayniile sannadkii 2012-kii halkaasoo looga dilay 200 oo askari.

Jimcihii shalay ayay ahady markii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar aad u qorsheysan ku qaadeen fariisin ay ciidamada shisheeye ku lahaayeen degaanka Leego, halkaasoo looga dilay ku dhawaad boqol askari.

Saxaafadda caalamiga ah oo iyaguna si aad ah u hadal haya dhacdada Leego ayaa sheegaya in dhimashada ciidamada Burundi ay gaareyso 70, halka hub iyo agabyo kale lagala wareegay.