Taliye ku xigeenkii Ciidanka Ethiopia ee AMISOM oo is toogtay

34257907

Wararka laga helayo gobolka Baay ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya taliye ku xigeenkii ciidanka Ethiopia ee AMISOM qaybta ka ah oo  Baydhabo isku toogtay.

Siday dad xog ogaal ah xaqiijiyeen ninkan is toogtay wuxuu hogaaminayay dagaalkii  dhex maray ciidanka gumaysiga Ethiopia & Al-Shabaab kaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa Jameeco iyo Buurkahaba ee gobolka Baay.

Sarkaalka is toogtay ayaa markii ciidankiisii lajabiyay duurka u haftay, dhamaantoodna wax la dilay iyo wax cararay oo baadiyaha ku dhumay ay noqdeen,hubkii  iyo saadkiina wax la gubay iyo wax la qaatay laga dhigay, hadaba ninkan ayaa markii uu ku soobaxay taliyihiisii wuxuu la soo baxay Bastoolad dhafoorka ayuuna xabad iskaga dhuftay sidaasuuna ku geeriyooday.

Isku soo wada duuboo damaca waalan ee Ethiopia wuxuu xaq u leeyahay in uu dhaxlo xumaan waana calaamadaha isticmaarka marka uu burburayo waxaana lagu gartaa isagoo tiisaba u jiraban ayuu meelo kale laacaa wuxuuna ku haligmaa dhul uusan qaab dagaalankiisa garanainin oo ay adagtahay  in ay ku dhex dagaalamaan.

Waxaa kale oo dhib ku noqday ciidanka Itoobiya inay qaar ka mid  ah saraakiisha ugu muhiimsan ay isu dhiibaan Alshabaab ka dib ay bixiyaan siro u qarsoon.

Sargaal sare Talbun ayaa sheegay isagoo afka xabashiga ku hadlayay ayuu ka sheekeeyay dhagaraha ay Itoobiya iyo AMISOM usoo maleegeen shacabka Soomaaliyeed.

Voice Of Somalia-Somali Leaks