Ciidamada AMISOM oo isaga baxay Qoryooleey iyo Yaaq-bariweyne

34264583

Wararka ka imaanaya deegaanada Qoryooleey iyo   Yaaq-bariweyne ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in guud ahaanba Ciidamda Shisheeye ay isga baxeen deegaankaas.

Dadka deegaanka  ayaa sheegey in Shisheeyuhu ay guud ahaanba ka tageen Xeryihii ay fadhiyi jireen, islamarkaana ay baaba’iyeen difaacyadii ay lahaayeen.

Dadka deegaanka ayaa gudaha u galay Saldhigyada Shisheeyaha, waxaana ay raranayaan waxyaabihii Shisheeyuhu qaadi waayeen oo ay ka tageen.

Ciidamada Amisom ayaa shalay baneeyay  magaalooyion badan oo horey u joogeen, Waxaana ka mid ah Awdheegle,Buufow ama Bilaal iyo  Ababaay oo u dhaxeysa Baraawe iyo Buulamareer.

Shisheeyaha ayaa warbaahinadooda qaar kusoo qoray iney ka baqayaan weeraro 17 ramadaan uga yimaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waa xilligii uu dhacay duullaankii weynaa ee Badar.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.