Maleeshiyaadka dowlada Federaalka gaar ahaan kuwa nabadsugida waxey xalay weerar ku qaaday masjid ku yaala agagaarka Buurka Ciise Cabdi ee degmada Dayniile,waxayna rasaas xoogan ooda kaga qaaday dad shacab ah oo Salaada Taraawiixda ku dukanayay gudaha masjidka.
Inta la xaqiijiyay rasaasta waxaa ku dhaawacantay Lix ruux oo isugu jira shan dhalinyaro iyo hal oday oo waayeel ah’iyadoona dadkan oo qaarkood dhaawacyadooda culus yihiin loola cararay dhanka isbitaalka Dayniile.
Si rasmi ah looma xaqiijin karo sababta rasmiga ah ee maleeshiyaadka dowlada u weerareen masjidka islamarkaana rasaas ooda kaga qaadeen dadkii shacabka ee Salaada Taraawiixda ku dukanayay gudaha masjidka.
Dhacdadaan waxey qeyb ka tahay dhibaatooyinka maleeshiyaadka dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM ay ku hayaan shacabka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.
Voice Of Somalia-Somali Leaks