Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Maleeshiyaadka Dowladda Muqdisho ay bilaabeen inay iska iibiyaan hubka iyo rasaasta,waxayna ka iibsadaan suuqyaha koofurta Soomaaliya gaarahaan Shabeelada hoose oo maalahan aya ka soo baxayeen goobihii hore loo geeyay,cabsi iyo dhaqaalo xumo awgeed.
Maleeshiyada ku magacaaban Ciidamada Qalabka Sida, ayaan wax mushaaraad ah ka helin Xukuumadda Xamar, Maleeshiyaadka ayaa ah kuwa la daaladhaca balwado kala duwan.
Madaxtooyada Muqdisho waxaa lagu bartay inay ku fiicnayn bixinta mushaaraadka maleeshiyada u diiwaan gashan, taas oo ugu dambeyn ay ka dhalatay inay iibiyaan hubkii markii hore qaab qabiil loogu qeybiyay.
Qaar katirsan horjoogayaasha maleeshiyadaan ayaa cudurdaar u yeela tallaaba kasta oo ay qaadaan maleeshiyadan ku magacaaban Ciidamada Dowladda, haddii baahidoodu ay joogto tahay, isla-markaana aysan heln gunnadii markii hore lagu dagaal geliyay.
Mararka qaarkood waxay dhegahaagu maqlayaan hadalo aysan maqalkoodu wanaagsanayn, oo ka dhan ah maleeshiyadan ku magacaaban Ciidamada Dowladda, oo ka imaanaya qaybaha bulshada, kuwaa oo kuu sheegaaya Ciidamada Dowladda in dhac ay ka gaystaan dhulka ay ka arrimiso Dowladda.
Gudoomiyaha Qoryooley Maxamad Xaaji Cusmaan
Voice Of Somalia-Somali Leaks.