Xeradii Amisom ee Deegaanka Golweyn oo ay daaqayaan Xoolaha dadka Deegaanka

34277198

Deegaanka Golweyn oo ku dhow Deegaanka Buulo Mareer ayaa waxa isaga baxay Cidamada Amisom oo fariisin ku lahaa.

Amisom ayaa ka guuray Xerada iyagoona aaday Xero kale oo Amisom ay ku lahayd Deegaanka Buulo,hal meelna iskugu tagay,cabsi awgeed.

Dad ku sugan Golweyn ayaa  sheegay in Xerada  hada tahay  beero  ladaajiyo Xoolaha ay leeyihiin dadka deegaanka.

“Xerada ay ka guureen Amisom goordhow ayaan soo maray xoolo ayaa dhex daaqayey, Ari lo’ ayaan dhexda ugu jiray naq fiican ayaa iiga muuqday, awalba meel beero ah ayey ahayd” ayuu yiri Nin ka mid ah dadka deegaanka.

Ciidamada Amisom ayaa sii luminaya Deegaano kala duwan oo ay kaga sugnaayeen Gobolka Shabeelada hoose.

Maalihii lasoo dhaafay ayaa gacanta Ciidamada Amisom wax aka baxay Degmooyinka Qoryooley, Awdheegle, Mubaarak, Bariire,Tooratoorow, Buufow Bacaad,Abaabaay,Leego, iyo Yaaq-Bariweyne.

Deegaanada  ka baxay gacanta Ciidamada Amisom ayaa waxa fariisimo ka sameystay Xarakada Shabaab.

Voice Of Somalia -Somali Leaks