C/Raxmaan Xoosh “Ciidamada AMISOM Ma hayaan Dhaqaale ay kusii wadaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab”.

34308870

Jawaab celinno kala duwan ayaa laga bixinayaa dib ugurashada ay ciidamada shisheeyaha AMISOM ka sameeyeen deegaanno iyo degmooyin katirsan shabeelaha Hoose.

Kumanaan katirsan ciidamada Uganda iyo Burundi ee duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya ayaa isaga cararay dhowr degmo oo katirsan gobolka shabeelaha Hoose tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Leego ee lagu dilay 100 askari Burundays ah.

Siyaasiyiin katirsan DF-ka ayaa sheegay in waxa loogu yeero beesha caalamka ay bixin waayeen dhaqaalihii ay siin jireen AMISOM ee lagu wadi jiray dagaalka ka socda gayiga  Soomaaliya.

 Cabdi Raxmaan Xoosh oo horay wasiir ugasoo noqday DF-ka hadane ah xildhibaan ayaa sheegay in dib ugurashada AMISOM ay tahay daciifnimo ku timid dhanka saadka.

“AMISOM waxay ka sheeganaysaa dhaqaala xumo baahsan mahaystaan diyaarado ay saadka isugu gudbiyaan,beesha caalamka ayaa ka gaabisay taakulaynta AMISOM waxaana dhici karta in Al Shabaab ay dib uqabsato gobollo hor leh”ayuu yiri Xoosh.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in jeebka Q.Midoobe oo martay uu sababay in shisheeyaha Soomaaliya kusoo duulay uu xerooyin gaar ah kusoo aruuro halka xoogaga shabaabul Mujaahidiin oo awoodooda dhaqaale beeqaamsaday ay hadda yihiin kuwa carcar qaba oo diyaar u ah in ay dib uqabsadaan dhul sanado ka hor cadawgu qabsaday.

Laba isbuuc gudahood ayay ciidamada XSHM  dib ula wareegeen  degmooyinka kala ah Qoryooleey Awdheegle iyo Bariire ,Mubaarak,Leego,Yaaqbariwayne iyo Daarasalaam.,Ababaay”Baraawe” iyo Golweyn.

Waxaa  jira caqabado aad u badan oo haysta Amisom iyo Dowladda Tabartayar ee Damuljadiid oo fadhigeeda yahay  Villa Somalia oo ay Shabaab ku wajiyihiin.
Voice Of Somalia-Somali Leaks