Banaanbax AMISOM ka dhan ah oo ka socda Marka

34321436

Banaanbax looga soo horjeedo Ciidamada Calooshadaku shaqeysta ee Amisom  ayaa hada ka soconaya Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Boqolaal Shacab ah oo ka kala yimid Xaafadaha  Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa iskugu soo baxay Magaalada Marka,kuwaas oo ka soo horjeeda Ciidamada AMISOM.

Dad badan oo careysan kana kooban qeybaha bulshada ayaa isugu soo baxay magaalada, waxaana dadku ay ka careysan yihiin kadib markii ciidamada shisheeye wiil 15 jir ah ay kala soo bexeen masjidu raxma islamarkaana ay dileen.

Arrintan ayaa ka dambeysay daqiiqado kadib markii ciidamada shisheeye lagu qarxiyay magaalada Marko, sidii caadada u ahaydna markii la qarxiyay kadib oo ay meydadkooda qaateen waxay ka aar goosteen wiil dhallinyaro ahaa oo ay waliba masjidka kala baxeen.

Dadka intooda badan ayaa xilligaasi ka cararay masaajidka waxaana wiilka uu aqrisanayay kitaabka qur’aanka kariimka, sidaas ayaana bulsahda ku kalliftay iney isugu soo baxaan wadooyinka waaweyn.

Bulsahda ayaa ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah ciidamada shisheeye, iyagoo muujinaya iney gumeysi ku jiraan.

Iksu soo baxa ayaa waxay bulshada kula wareegeen saldhigga ciidanka Boliska.

LA SOCO WIXII XIGA