Wariyaal Lagu Xiray Muqdisho iyo DF-ka oo isku dayaysa in ay qariso Khasaaraha Ka Dhashay Weeraradii Hoteellada.

34321292

Kadib weeraradii khasaaraha badan dhaliyay ee xalay ka dhacay hotello kuyaal magaalada Muqdisho ayay dowladda Federaalka isku dayaysaa in ay qariso xaddiga khasaaraha weeraradaasi ka dhashay.

Horjoogayaasha maleeshiyaad  Dowlada Xamar  ayaa warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Muqdisho amar kusiiyay in aysan sheegi karin khasaaraha ka dhashay weerarka islamarkaana ay qaadan karaan oo kaliya warka kasoo baxa saraakiisha wasaaradda arrimaha gudaha DF-ka.

Maanta barqadii ayay ciidamo wajiyada soo xirtay waxay gacanta ku dhigeen tiro saxafiyiin ah oo war u raadsaday isbitaalka Madiina oo la dhigay inta badan dadkii dhaawacyadu kasoo gaareen weerarkii Hoteellada.

 Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wariyaasha laxiray loola dhaqaaqay dhanka xarunta CID-da,wararka ayaa intaasi ku daraya in DF-ka ay kaso horjeedo wareysiyo laga qaado ehellada dadka lagu dilay weerarkii xalay ama lagu dhaawacay.

Cadaadiska cusub ee lagusoo rogay warbaahinta madaxa banaan ee Muqdisho ayaa u muuqda mid aan waxbadan ka bedeli doonin faafinta runta maadaama ay jiraan warbaahino ka madax banaan   oo aan aqoonsanayn DF-ka islamarkaana si dhaqsi leh wararka ku gaarsiinaya caalamka.

Dowlda Federaalka iyo laamaheeda amiga ayaa ku kashifmay inay isku ilaaliyaan halka jid oo ay ka degan yihiin Muqdisho!
Waxaa kale ka sareeya kana shaqo badan sirdoonka Shabaabka kuna haya qataro aandhanaad lahayn.
Voice Of Somalia-Somali Leaks