Cabdullahi Macalin Nur wuxuu ka yimid dalka Mareykanka ,wuxuu ahaa Tagsiile ha yeeshee markii uu Muqdisho ku laabtay ayey dad badan la yaab ku noqotay inuu markiiba qaatay derajada Jeneral maadama uusan horey u soo marin Ciidan.
Cabdullahi Macalin Nuur wuxuu noqday qofka ugu tumashada badan Muqdisho ,isagoo sameeystay rag iyo dumar u soo xula gabdhaha da’dooda ka yar tahay 15 sano jirka.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inaan laga daba hadlin tacadiyada uu mushaarka Ciidanka ku lunsado Cabdullahi Macalin Nuur maadama uu la qabiil hoose yahay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Guri ku yaala KM4 Muqdisho oo tumashada uu Cabdullahi Macalin Nur u sameeystay waxaa ku yaala Baraagta Dabaasha,Garoon lagu cayaaro basket ball-ka,iyo mid kubada cagta lagu cayaaro,waxaana u cayaar taga inta qurbo joogta ah oo xilalka ka haya DFS iyo Gabdhaha qurbaha ka taga.
Nin la saaxiiba ayaa yiri “Waxyaabahii ugu yaabka badnaa ee Cabdullahi Macalin Nuur sameeyay waxaa ka mida in isagoo Hoteelada Muqdisho mid ka mida fadhiya uu u yimid nin dilaal ah oo guryaha Iibiya,waxuu u sheegay guri lacagtiisu tahay $300,000 oo ku yaaala meel fiican oo Muqdisho ka mida,intuu darawlkiisii furaha u dhiibay buu ninkii ku darey waxuuna ku yiri video iiga soo duub guriga lacagtana soo bixi, furahana ii keen,asoo weli meeshiisii Coffe ku cabaya ayaa loo keenay waraaqihii guriga,heshiiskii oo video laga soo duubay iyo furihii guriga,Saacad gudaheed buu intaas ku fuliyey,Magaalada waxuu ku leeyahay ugu yaraan 12 guri oo qaymahaas ka badan,wuxuuna gatay intuu xilka hayay”
Gabadh uu ku qabay Mareykanka waxeey u dhashay sedex Caruura ,lamana oga inuu xaalkeeda ka warqabo iyo iney kala tageen laakiin waxaa dhalay Sheekh Caana oo Muqdisho iyo gobolada ku xeeran si weyn looga qadiriyo..
Xilka Madaxa Zaadka Melleteriga waxaa loo magacaabay xilligii Shariif Sheekh Axmed isagoo kursiga awood qeybsiga ku soo galay Xoogaga Ahlusunah Wal Jameeca.
Voice Of Somalia-Somali Leaks