Waxaa sii xoogaystay khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada shisheeyuhu soo agaasimay ee kajira qaar katirsan gobollada dalka Soomaaliya.
Dagaal Ooge Axmed Madoobe iyo Cabdi Wali Gaas ayaa yeeshay kulamo xasaasi ah oo ay uga arrinsanayaan shirqoollo uga imaanaya dhanka Villa Somalia.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Axmed Madoobe oo madax u ah maamulka Kismaayo ee Kenya taabacsan uu heshiis isbahaysi lagalay Cabdi Wali Gaas oo madax ka ah maamulka Puntland ee Itoobiya taabacsan.
Kulanka oo Garowe ka dhacay ayay labada dhinac isla garteen in ay xiriirka ujaraan maamulka Xasan Sheekh ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho,Puntland ayaa ka carootay dhismaha maamulka Galmudug ee fadhigiisu yahay magaalada Cadaado kaasi oo uu madax ka yahay C/Kariim guuleed oo katirsan Xisbiga Damuljadiid.
Arrinta xusidda mudan ayaa ah in cadawga shisheeye ee Itoobiya uu kala dilayo maamullada dowladaha sheegta iyo kooxda Xasan Gurguurte madaxda ka yahay tusaale ahaan maamulka Galmudug waxaa cadaado ku ilaaliya ciidamo itoobiyaan ah halka maamulka gobollada dhexe isku magacaabay ee fadhigiisu yahay Dhuusamareeb iyo Guriceel ay gacanta ku hayaan ciidamada Itoobiya.
DF-ka iyo Puntland taladooda waxay ka go’daa Itoobiya marka layskusoo xooriyana waxay dhagartu isugusoo biya shubanaysaa “Qeybi oo xukun”.
Si walba oo ay ahaato is haysadka ka dhaxeeyo maamullada dabadhilifyada soomaaliya wuxuu fursad wanaagsan siinayaan mujaahidiinta Soomaaliya ee halganka kula jira shisheeyaha.
Liibaan Jeexoow Cabdi