Dhulka Suufiyada oo Maanta Laga Soomanyahay!!

34361425

Xasan Geerte oo kamida Masuuliyiinta Garsoorka Suufiyada   Guriceel ayaa waxa uu sheegay in aysan manta aheyn Maalin Ciid ah isla markaana ay soomanyihiin.

Xasan Geerte ayaa intaa ku daray in maanta ay tahay 29 Ramadaan ayna fiirinayaan bilashada Bisha galabta markii la afurayo waxa uuna intaa kusii daray in ay ku soomayaan aragti kuna afurayaan aragti oo kaliya.

Mar wax laga waydiiyay in Somaliya laga arkay meelo badan Bisha ayaa waxa uu sheegay in taasi aan lagu kalsoonaa Karin ayna muhiim tahay in laga arko ay maamulaan uuna noqdo qofka arkaya qof la aamini karo.

Waxaa uu uu sheegay  Xasan Geerte in Dadka Ciidaya Maanta ee ku sugan goobaha ay ka taliyaan ay guryahooda ku ciidaan lkn aysan ku tukan Karin Masaajidyada isaga oo sheegay in maamulka amarkiisa loo hugaansamo.

ugu danbeyn waxaa xiran goobaha Ganacsi ee degaanada Suufiyada ka taliyaan oo laga dareemayo in ay tahay maalin Ramadaan waxaana jira dad badan oo guryahooda ku ciiday lkn aan helin meel laisugu yimaad ay kuwada tukadaan.

Suufiyadadhibaato badan ku haya shacabka ku hoos ku nool maamulkooda shaydaamada  ka amar qaata,maxaa laga wada ciiday dhamaan dulnida Muslimka ah oo dhan Maqshib iyo Maqrib.

Voice Of Somalia-Somali Leaks