Cali Cabdi Wardheere waa muwaadin Somaliyeed oo si dulmi iyo xoog sheegad ah ugu xiran inuu ka aragti duwan yahay kuwa lagu sheego madaxda qaranka.
Qafaalkii ku dhacay Cali Yaraan soo qadima yaaye
Sharci lugu qabtaa muusan jirin oo dastuur qoraye
Qolkuu jiifay bey ugu galeen qado dharaareede
Qunful bey kujebiyeen xabsigay hora u qaadeene
Qawlaysataa lagu saliday dhiig qur quri yaale
Qol baa lugu xirtoo waa yadii qaab xun loo dilaye
Qaar jeex ayaa lugu ridiyo cuduro qaar koode
Waxaa biyo qaboow loogu shubay loona qaawinayey
Waxay ugu qabteen korontadoo qaylo uga yeertay
Qadaad keey qateen oo biyeheey quusi nahayeene
Danbi uusan qabin inuu qirtaa qaab kan loo yiriye
Galleydaa la qooyaa xabsiga lagu qariidaaye
Qabsimadii ayaa wada qalaloo qadadii loo diidye
Mana qaab mayoo wiilku waa qurac sal kiisiiye
Qaanuun ma qabo waxa kan aad qiil ka dhigateene
Qaatiliin waxaa lugu fasaxay qoladay sheegteene
Qowl nin meel kusoo qorana waa lagu qisaasaaye
Qabiilaysi waa kii narogay qoon simaadna lehe
Miisaanadii ayaa naga qaldamoo weli qaloocaane
Been qayaxan ayaa lagu qabsaday kiisas aan qabane
Qullateyn kabadan beenta ay soo qora hayaane
Qabiil kama fogiyo qoonsi iyo aano qoladeede
Qarax yada kuwii siday ayaad qolo ku dayseene
Saad u qaadateen baan rabaa inaan yar qeexaaye
Qatli baa ka fudud erayga uu wiilku soo qoraye
Qasnadaha wixii yiil raggaan qirishna reebeynin
Hanti qaran ha joogtee ragbaa qoys u dhaadhacaye
Dhul ka qaadis qow laysatiyo qaaqle taladiisa
Qaan gaar nin kii ihina garay waxaad qilaawayne
Boogihii ayey qaadayaan qoloftii saareede
Qalfoof beena qaran qoys noqdaa lagu qaraab taaye
Quus baan ka joognaa inay qayr ka taliyaane
Qarankii awoodiisi baa qaabkan loo dhigaye
Qaaradaha waa laga og yahoo way qawadayaane
Qaafil dhega la’ muu ahan dad kuyoo qayladii timide
Qaar baa yiri qabiil buu ku galay cali qisaastaane
Xumaan hoosta laga soo qasiyo qaa’id taladii dheh
Qab qabowga aad haysatiyo qaranka shaarkiisa
Aniguu iqoonsaday hadaad qiil kadhiganayso
Dig taatoori qayr beele iyo qolo war keedii dheh
Inaan soo qatimo baan rabaa gabaygaan qaaf kaaye
Waa dheri qaxaa waxa kan iyo shaar qabiil tolane
Ninkii qayrki loo xiirayoow adina soo qoyso
20.6.2015
Sujuud.
Voice Of Somalia-Somali Leaks