Ciidamada shisheeye ee kusoo duulay wadanka Soomaaliya ayaa si kama dambeys ah u bah dilay DF, iyagoo sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed u muujiyay iney gumeystayaal yihiin.
Saraakiil ka tirsan shisheeyaha ayaa maalintii shalay ka dhawaajiyay in duullaanada ay ku qaadeen Baardheere iyo Diinsoor yihiin, kuwa loogu hadiyadeynayo madaxweynaha Mareykanka Obama oo Jimcaha u billaabanayo safaradiisa Nayroobi iyo Adis-ababa.
Hadalkan oo ay si aad ah u baahiyeen warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa Afrika qaarkood, ayaa meesha ka saaray hadaladii ay shisheeyaha ku hadaaqi jireen kolka ay dhul qabsadaan, iyagoo sheegi jiray in cidda ay u qabteen ay tahay DF.
Iney maanta yiraahdaan Obama ayaan u qabaneynaa ama u hadiyadeeneynaa, waxay si rasmi ah u muujineysaa inaaney DF kalimad ku lahayn duullaanka. Sidoo kale waxaa soo baxaya in ciidamada shisheeye ay wakiil duullaaneed ka yihiin Mareykanka oo horaantii sagaashanki ku jabay Soomaaliya.
Maxaa Keenay In DF La Siin Waayo Magaca Duullaanka?.
Khasaare culus ayaa ciidamada shisheeye kasoo gaaray gulufka dagaal ee ay usbuucii lasoo dhaafay soo billaabeen kuwaasoolaga dilay saraakiil iyo ciidamo badan.
Sidoo kale waxay la kulmeen weeraro adag oo uu ku jiro nooca naf hurnimada, waxaana xusid mudan in ujeedada intaas oo dhan loo sameynayo ay tahay sidii Mareykanka dhaqaale looga heli lahaa.
Iska daa wax kale, xitaa waxay ciidamada shisheeye ku kala tartamayaan xasuuqa shacabka. Itoobiya ayaa waxay 55 shacab ah ku xasuuqday Bakool, Uganda waxay marko ku gumaadeen 22 qof oo marras ah, halkas sidoo kale ay gaari PL ah ku rasaaseeyeen wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.
Arimahan iyo kuwa kale oo ay shisheeyuhu dhaqaale uga raadsanayaan Obama ayaa u sabab ah iney meesha ka saaraan magaca DF ee ay isticmaali jireen sida ay ku waramayaan siyaasiyiin xog ogaal ah oo magacooda u qariyay sababo ammaan.
Ummada Soomaaliyeed.
Hadalka kasoo baxay ciidamada shisheeye ee ay ku sheegeen in qabsashada degmooyinka qaar ay hadiyad uga dhigayaan Obama ayaa umada Soomaaliyeed uga dhigan mid ay wax ku qaataan.
Sidoo kale warkan ayaa si cad u muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay dulmiga lagu hayo dadka muslimiinta ah, maadaama xasuuqooda iyo bara kicintooda soo dhaweyn looga dhigayo madaxweyne Obama.
Xigasho:www.alfurqaan24.net
Voice Of Somalia-Somali Leaks