Ciidamada shisheeye ayaa sheegay in magaalada Marko ay ku dileen shan ruux oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyagoo meesha ka saaray gabi ahaanba gumaadka ay bulshada u geysteen.
War qoraal ah oo kasoo baxay taliskooda ayaa waxa ay ku sheegeen in wixii shalay ka dhacay Marko ay ahaayeen hawl gallo ammaanka lagu xaqiijinayay.
Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha ee DF ayaa isna sheegay iney baarayaan wixii ka dhacay magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose, xilli la og yahay ineysan dowladdu awood u lahayn in ay ciidamada shisheeye kala hadasho qadiyadaha la xiriira xasuuqa.
Voice Of Somalia -Somali Leaks.